SWEDEN: 3-QOFOOD OO TOOGASHO LAGU DILAY.
(SAWIRKA)-BOOLISKA SWEDEN.
(SWEDEN)- Wararka laga helaayo dalka Sweden ayaa sheegaayo in Saddex qof lagu toogtay magaalada Uppsala ee Waqooyiga caasimadda Sweden ee Stockholm Talaadada maanta ah, sida ey booliisku sheegay, toogashadii ugu dambeysay ee ka dhacday dalka Sweden ayaa ruxday dalka Waqooyiga Yurub. Booliska ayaa sheegay iney heleen warbixino sheegaysa in rasaas lagu maqlay bartamaha Uppsala, oo 60 kilomitir (37 miles) Waqooyi ka xigta caasimadda Stockholm iyo in "tiro gaar ah oo dad ah laga helay dhaawacyo ka dhalan kara toogasho." Warbixin la cusboonaysiiyay, booliisku waxay ku sheegeen "in la xaqiijiyay saddex qof inay ku dhinteen toogasho," isagoo raaciyay iney fureen baaritaan dil ah. Telefishinka dadweynaha ee SVT ayaa sheegay in goobjoogayaal ey sheegeen in tuhmane uu ku baxsaday Scooter. Warbaahinta TV4 ayaa sheegtay in rasaastu ey ka dhacday goob timaha lagu qurxiyo oo ku taal bartamaha magaalada. Dalka Waqooyiga Yurub waxa uu sannadihii u dambeeyay la halgamayay sidii uu u xakamayn lahaa Toogashada iyo Qaraxyada lala xiriirinayo iney ka dhexeeyso kooxaha dembiilayaasha ah ee iska soo horjeedaee ka jira dalkaasi. Dembiilayaasha ayaa inta badan ah dhalinyaro yar yar oo loo soo kiraystay, waane dilaayaal qandaraaslayaal ah, sababtoo ah waxay ka yar yihiin da’ada 15, taaso ah da'da mas'uuliyadda dembiga ee dalka Sweden. Booliska Sweden ayaa bishii Janaayo sheegay in tirada toogashada ay hoos u dhacday sanadka 2024, sanadkii labaad oo xiriir ah, iyadoo ey dhacday 296 toogasho ah,waxa eyna hoos u dhac 20-boqolkiiba ah marka loo eego sanadkii ka horeeyay. Dalka Sweden,waxaa ka dhacday Toogasho aad looga argagaxay horaantii sannadkan kuna beegan afarta bishii Feberaayo-2025-ka Toogashadaan ayaa ka dhacday Xarunta Waxbarashada ee dadka Waa Weyn ee RISBERSKA,waxaane ku dhintay ilaa 11-qofood waxaane ku dhaawacmay ilaa 6-qofood oo kale.
ISHA WARKA-WAKAALADO.