XIL WAREEJIN LOO SAMEEYEY WASIIRADDA CUSUB.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO WASIIRO.

(MUQDISHO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee cusub, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii Labaad ee hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali. Ra'iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh dowladda, isla markaana Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka cusub looga baahan yahay in uu xoogga saaro qorsheyaasha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, dib-u xoreynta goobahay ay argagixisadu ku harsan yihiin iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta. Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenkii labaad ee hore, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu qabtay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo abaabulka bulshada ee ku aaddan garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira argagixisada. Maalmo ka hor ayey ahayd markii ey dhacday isku shaandheyn kooban oo saameysay Wasaaradaha G/dhiga, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Xafiiska Reysal Wasaare Ku-xigeenka labaad. Wasiir Jibriil ayaa ahaa Wasiirkii hore ee G/dhiga halka C/salaam Dhaay uu ahaa Reysal Wasaare ku xigeenka labaad ee XFS. Waxaa isne xilka Wasaaradda G/dhiga loo magacaabay Amb.Axmed Macallin Fiqi oo horay u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

SWEDEN: 3-QOFOOD OO TOOGASHO LAGU DILAY.

Next
Next

MADAXA UNESCO EE BARIGA AFRIKA OO BOOQATAY…