DALKA GAABOON OO DIB U HELAY XUBINIMADIISII.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA CUSUB EE GAABOON.
(MIDAWGA AFRIKA)-Golaha Nabadda iyo Amaanka ee Ururka Midawga Afrika(PSC) ayaa dalka Gaboon dib ugu soo celiyey xubinimadiisii Ururka Midawga Afrika. Dib u soo elinta ayaa timid ka dib markii Gudiga Nabadda iyo Amaanka ee Ururka Midawga Afrika ey dib u eegis ku sameeyeen isbedelka Siyaasadeeda ee dalka Gaaboon iyo geedi socodkeeda,taaso ey ku ogaatay in”Guud ahaan lagu guuleystay”sidaas waxaa hadal kooban ku sheegay Gudoomiye Rebecca Amuge Otengo. Dalka Gaaboon ayaa laga joojiyey Xubinimada Ururka Midawga Afrika ka dib markii isbedel aan dastuuri ahayn kaaso ah Afgembi dhacay 30/8/2023-kii. “Waxaa sharaf weyn ii ah inaan shacabka dalka Gaaboon ugu bishaareeyo anigoo ku hadlaayo magaca Brice Clotaire Oligue Nguema oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda,in dalka Gaaboon uu dib ugu soo laabto qoys weynaha Afrika”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Gaaboon Regis Onanga isagoo ka qeybgelaayey shir ka socday Xarunta Ururka Midawga Afrika ee magaaladda Addis Ababa. Ka qaadista cunaqabateynta ayaa u ogolaaneyso dalka Gaaboon inuu dib u soo ceshado maqaamkiisi uu ku dhex lahaay bulshada Afrika iyo iney balaariso ka qeybgalka caalamiga ah,ayuu raaciyey hadalkiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Gaaboon Regis. Ka dib markii uu dhacay Afgembigii uu hogaaminaayey Gen.Brice,dalka Gaaboon waxa uu wajahay cunaqabteyno dhawr ah oo ey ku jiraan kuwa Midawga Afrika. Dalka Gaaboon,tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay nidaamka dastuuriga ah eyna ka dhacday doorasho Madaxtinimo uuna ku guuleystay Nguema codad dhan 94.84%, waxaane caleema saarkiisa rasmiga ah loo qorsheeyey inuu dhaco 3/5/2025-ka.
ISHA-EA.