GUD.ADAN MADOOBE OO U SAFRAY AL-JEERIYA.

(SAWIRKA)-GUD.ADEN MADOOBE.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Xarunta dhexe ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa ayaa sheegaayo in Gudoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee BJFS Md.C/laahi Cumar Abshir (Abshiraw) uu shir Gudoomiyey kulankii 10-aad ee Gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka,kulanka ayaa looga dooday Hindiso Sharciyeedyo agyaalo Gudiyadda iyo Ajandeynta fadhiyadda Guud ee Golaha Shacabka ee todobaadka soo socdo. Xubnaha Gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacab ayaa go’aamiyey in Hindisa Sharciyeedyada agyaalo Gudiyadda lagu soo daro Ajandayaasha ugu horeeyo ee kulanka guud ee Golaha Shacabka. Intaas ka dib,Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Golaha Sahacabka Md.Abshiraw iyo Xubnaha Gudiga joogtada ah ayaa dood ka yeeshay dhacdadii shalay ka dhacday Golaha,waxa uuna Gudoomiye Abshiraw oo soo xiray kulanka ku booriyey xubnaha Gudiga iney dardargeliyaan hawsha ey Qaranka u hayaan. Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Aden Maxamed Nuur(Madoobe) iyo wafdi ballaaran uu hogaaminaayo ayaa maanta oo Khamiis ah safar ugu ambabaxay caasimadda dalka Aljeeriya ee AL-Jeris, Gudoomiyaha ayaa halkaas uga qeybgelaayo shirka Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta kaaso maalmaha soo socdo halkaasi ka furmi doono. Shir Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta ayaa sannadkaan looga hadli doonaa Arrimaha Wadamadda Carabta gaar ahaan Arrinta shacabka reer Falastiin.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

AFAR WASIIR AHNE XILDHIBANO OO LA GANAAXAY.

Next
Next

DALKA GAABOON OO DIB U HELAY XUBINIMADIISII.