AFAR WASIIR AHNE XILDHIBANO OO LA GANAAXAY.

(SAWIRKA)-WASIIRADA LA GANAAXAY.

(MUQDISHO)-Ma rabo inaan dib ugu laabto waxyaabihii foosha xumaay ey shalay sameeyeen Xildhibaanada Qaranka ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waa mid aad u murugo badan in Tv-yada Gudaha iyo Dibaddaba laga daawado Xildhibaano Qaran oo Buuqaayo isla markaasne aan Ixtiraameyn Gudoonkooda,kaaga darane waxaa dhinaca kale ee hoolka Golaha Shacabka ka socday Feer iyo Haraantii u dhexeyey qaar ka mid ah Xildhibaanada Qaranka ee qaab Qabiil lagu soo xulay. Goluhu waxa uu leeyahay Nidaam kala haga shaqada Golaha iyo sharci lagu wada shaqeeyo balse intaas badda ayaa lagu shubay oo waxaa ka awood badiyey danaha is diidan ee ka dhex jira Xildhibaanada aan la soo dooran ee ku yimid dhaqaalahooda iyo qaab Qaabiil. Ma aha mid aad la yaabeysi inaad aragtid Xildhibaan Qaran oo aan fahansaneyn Xilkiisa Qaran iyo Waajibaadkiisa saaran sidii uu u gudan lahaa,laguma keenin aqoon, karti iyo hufnaan uu bulshada kaga kasbaday inuu ku metelo Golaha Shacabka ee BJFS. Yaa is feeray? Yaase wax Feeray oo la Ganaaxay? Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka Md.Sheekh Adan Madoobe ayaa fadhiyada Golaha Shacabka waxaa laga mamnuucay afar Xildhibaan isla markaasne ah Wasiiro ka tirsan XFS, hadaba waa kuwee Wasiiradaasi Wasaaradahee ayey joogaan,Dawlad Goboleedyadee ayey ka soo jeedaan?

(1)-Xil.Maxamed C/qadir Xaaji(Banadiri)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS.

(2)-Xil.Cumar Cali Cabdi(Galmudug)-Wasiirul Dawlaha Wasaaradda G/dhiga ee XFS.

(3)-Xil.Isaaq Maxamed Mursal(Koonfur Galbeed)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee XFS.

(4)-Maxamed Cismaan Cumar(Koonfur Galbeed)-Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuql Insaanka ee XFS.

In sidaan loola dhaqmo Xildhibaanada aan aqoon waajibaadkooda Qaran waxa ey soo afjari doontaa dhibaatada haysata fadhiyadda Golaha Shacabka ee BJFS.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO U HAMBALYEYEY SHAQAALAHA.

Next
Next

GUD.ADAN MADOOBE OO U SAFRAY AL-JEERIYA.