XILDHIBAANO LA GUDOONSIIYEY SHAHAADO SHARAF SHAQO EY MUTEYSTEEN.
(SAWIRKA)-GUD MADOOBE IYO XIL.C/RAXMAN MOOBLEEN.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo inMudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey maanta yeeshay Kalfadhiga 7-aad Kulankiisa 1-aad, Kulnaka maanta ayaa waxaana Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 145-Xildhibaan ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu shahaado Sharaf guddoonsiiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ku muteystay soo xaadiritaanka kulamada guud ee Golaha Iyo Xildhibaan Guuleed Biixi oo ku muteystay inuu yahay Xildhibaanka keliya ee leh Xafiis Dadweyne, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu ku amaanay sida ey uga soo dhalaaleen metelaadooda.
Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa guda galay Ajendaha kulanka oo ahaa Akhrinta Labaad iyo u Codeynta Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Baraaraha Caruurta. Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday Axdiga Afrika ee Xaquuqda iyo Baraaraha Caruurta ayaa waxaa ogolaatay 130-Xildhibaan, 10-Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamustay shan Xildhibaan. Dhinaca kale, waxaa dib loo celiyay Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AFCFTA) iyo Heshiiska Xubinimada Suuqa Ganacsiga Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ka dib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ey ka codsadeen iney dib ula laabtaan si ey uga soo shaqeeyaan arrimo farsamo oo heshiiskan la xiriirta dibna Golaha ugu soo celiyaan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Guddiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha uu amray in heshiiskan dib Golaha ugu soo celiyaan maadaamaa mudo badan Golaha horyiilay.
XIGASHO-SNTV.