MW-KABILA OO LAGU XUKUMAY DIL TOOGASHA AH,SABABTA?

(SAWIRKA)-MAXKAMADA CIIDAMADA EE DRC.

(KINSHAASA/DRC)-Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC),Joseph Kabila, ayaa Talaadadii ahayd ayey Maxkamad Milatari ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii lagu helay inuu galay dambiyo dagaal.Ex.MW-Kabila, oo lagu xukumay isagoo maqan, ayaa lagu helay dambiyo ey ka mid yihiin Dil, Faraxumayn, Jirdil iyo Kacdoon

MAXKAMADDA CIIDAMADDA AYAA XUKUN DIL AH KU RIDAY. 

“Marka la dabaqo qodobka 7-aad ee xeerka ciqaabta ciidamada, wuxuu soo rogayaa hal xukun, kaasoo ah kan ugu daran, kaasoo ah ciqaab dil ah,” ayuu yiri Sareeye Guuto Joseph Mutombo Katalayi, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Kinshasa. Ex.MW-Kabila ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo lacag dhan $33 bilyan oo u dhiganta (€28 bilyan) oo magdhow ah Gobolka iyo Gobollada bari ee Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu. Maleeshiyada M23 ayaa sanadkan qabsatay qeybo badan oo ka mid ah wilaayadaasi, waxaana ey halkaasi ka sameeyeen maamul u gaar ah.Ex.Mw-Kabila ayaa lagu eedeeyay inuu taageeray Jabhadda M23 oo ey taageerto Rwanda. Madaxweynaha hadda ee DRC, Felix Tshisekedi, ayaa sheegay in Ex.Mw-Kabila uu ahaa maskaxdii ka dambeysay kooxda hubeysan. Ex.Mw-Kabila oo 18 sano hogaaminayay DR Congo ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay dowladda Tshisekedi mid kaligii talis ah. Dabayaaqadii bishii May, Ex.Mw-Kabila waxa uu si kooban uga soo muuqday Bariga Congo oo ey fallaagada gacanta ku hayaan, halkaas oo uu isku dayay in uu nabada dhexdhexaadiyo, tallaabadaas oo aan si wanaagsan ula socon Kinshasa. Ex.Mw-Kabila waxa uu dalka xukumayay intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2019 waxa uuna la wareegay xukunka ka dib dilkii aabihiis Laurent-Desire Kabila. Hogaamiyihii hore ayaa inta badan musaafuriskiisa ku qaatay dalka Koonfur Afrika inkastoo aan la ogeyn halka uu hadda ku sugan yahay.

XIGASHO-DW.

Previous
Previous

XILDHIBAANO LA GUDOONSIIYEY SHAHAADO SHARAF SHAQO EY MUTEYSTEEN.

Next
Next

QARAX XOOGAN OO KA DHACAY GURI KU YAALLO W/MUNICH.