QARAX XOOGAN OO KA DHACAY GURI KU YAALLO W/MUNICH.

(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.

(GERMANY)-Wararka laga helaayo magaaladda Munich ee dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in dab ka kacay guri gooni ah oo ku yaalla Waqooyiga magaaladda Munich  iyo Qaraxyo ka dhacay aaggaas ayaa sababay sameynta hawlgal ballaaran oo deg deg ah Arbacada maanta ah, iyadoo booliska iyo dabdamiska ey xireen waddooyinka. Booliska ayaa sheegay in baaritaan ballaaran uu socdo kaasoo dib u dhigaya furitaanka subaxda ee xafladda biirka ee Munich Oktoberfest. 

MAXAAN KA OGNAHAY HAWLGALKA BOOLISKA EE MUNICH?

Booliisku waxay sheegeen in dabinnada qarxa laga helay dhismaha uu saameeyay. "Ciidan gaar ah ayaa loo yeeray si ey u dejiyaan. Waxaan goobta joognaa ciidamo badan oo ka jawaabaya xaaladaha deg degga ah," boolisku wuxuu ku yiri hadal uu soo saaray laguna daabacay bartiisa X. "Sida ku cad heerka aqooneed ee hadda jira, dhismaha la daggan yahay si ula kac ah ayaa loo gubay iyadoo la eegayo khilaafka qoyska," ayuu yiri booliisku. "Qofka dhaawaca ah ee la helay waa uu dhintay, qof kalena waa la la'yahay, kaasoo aan wax khatar ah laga hayn." Gawaari dhowr ah ayaa lagu xiray goobtaasi.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka  ayaa sheegay in baarayaashu ey heleen hal qof oo dhintay mid kalena ku dhaawacmay gudaha guriga. Wargeysku waxa kale oo uu soo xigtay warar hore oo ku saabsan rasaasta, laakiin booliisku ma xaqiijin tafaasiishaas markii hore. Saraakiisha ayaa markii dambe xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof laga helay guriga agtiisa oo tan iyo markii uu dhintay. Shaqsiga ayaa markii dambe la xaqiijiyay inuu yahay tuhmanaha. Bilayska Munich ayaa ka codsaday darawaliinta iney ka fogaadaan aagga inta ey hawlgaladu socdaan.

WAA MAXAY SABABTA FURITAANKA OKTOBERFEST DIB LOOGU DHIGAY?

Booliska ayaa soo dhejiyay goor dambe in baaritaan uu socdo kaas oo ku lug leh xiriirinta suurtagalka ah ee qaybaha kale ee magaalada, oo ey ku jiraan garoonnada xafladda Theresienwiese.

"Waxaan hadda baaritaan ku wadnaa jihooyinka oo dhan. Xiriirinta suurtagalka ah ee goobaha kale ee Munich ayaa la baarayaa, oo ey ku jiraan Theresienwiese. Sababtan awgeed, furitaanka goobta xafladda ayaa dib loo dhigay." Maamulka magaaladda Munich ayaa sheegay in goobta la xiray ka dib markii la helay warqad ku xiran dabka oo lagu hanjabayo in la weeraro goobta uu dabka ka kacay. Baarayaasha ayaa sidoo kale baaraya xiriirka xagjirka ah ee suurtagalka ah ee Qaraxyada ka dib markii la soo dhigay barta indymedia.org ey sheegatay mas'uuliyadda gubashada iyo weerarrada cinwaan looga dhigay "Antifa macnaheedu waa weerar."

Boostada ayaa lagu yiri, "Waxaan gubnay dhowr baabuur oo kuwa raaxada ah, waxaanna booqasho guri ku bixinnay Waqooyiga Munich." Afhayeenka booliska Thomas Schelshorn ayaa mar sii horeysay sheegay in eysan jirin "khatar hadda ku wajahan dadweynaha" iyo "wax xiriir ah oo la leh Oktoberfest ," isaga oo tixraacaya bandhiga biirka ee caanka ah ee caalamiga ah ee hadda ka dhacaya magaalada.

XIGASHO-DW.


Previous
Previous

MW-KABILA OO LAGU XUKUMAY DIL TOOGASHA AH,SABABTA?

Next
Next

BOQORTOOYADA INGIRIISKA OO KU DEEQDAY SOOMAALIYA 30-MILYAN OO DOOLAR.