BOQORTOOYADA INGIRIISKA OO KU DEEQDAY SOOMAALIYA 30-MILYAN OO DOOLAR.
(SAWIRKA)-DEEQAHA UK.
(UK)-Isniin, Dalka Boqortooyada Ingiriiska(UK) ayaa ku dhawaaqday iney bixineyso in ka badan $30 Milyan Doolar oo taageero dhaqaale ah si loogu fududeeyo isbeddelka Amniga Soomaaliya. Lacagtan waxaa ka mid ah $8 Milyan (£6 milyan) oo la siinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo $22 Milyan (£16.5 milyan) oo loo qoondeeyay Taageerada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Go’aankan ayaa la sheegay inuu ka tarjumayo doorka joogtada ah ee UK ku leedahay sidii ey u ahaan lahayd saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Soomaaliya iyo gobolka oo dhan ah, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo dalalka ciidanka iyo booliska ku deeqay. $8 Milyan Doolar oo ka mid ah taageeradan ayaa xaqiijin doonta in Ciidanka Amniga Soomaaliya ey sii helaan taageerada aan dagaalka ahayn sida Raashinka, Teendhooyinka, Qalabka Caafimaadka, iyo Adeegyada Daadgureynta Dhaawacyada (casevac). Taageeradan sahayda ah waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa in ciidanka Soomaaliya ey awoodaan hawlgallo wadajira oo ey la galaan AUSSOM. UNSOS ayaa haatan taageerta 18,900 askari iyo Saraakiil Boolis Soomaaliyeed ah oo ka howlgala guud ahaan dalka. Tabarucaaddan cusub ayaa wadarta taageerada UK ee UNSOS ka dhigaysa in ka badan $58 milyan (£46 milyan) tan iyo 2021. UK, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u qabtay shir loogu deeqayo AUSSOM oo lagu qabtay hareeraha Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Shirkan waxaa ka qeyb galay dalal badan, taasoo muujineysa sida ey beesha caalamku muhiimad u siiso Amniga iyo Xasilloonida Soomaaliya. Tan iyo 2021, UK waxay ku bixisay ku dhawaad $140 milyan (£102.5 milyan) AUSSOM iyo howlgalladii ka horreeyay, taasoo caddeyneysa sida ey uga go’an tahay taageeridda dadaallada wadajirka ah ee Amniga Soomaaliya ee muddada og.
XIGASHO-HOL.