TAHRIIBE KU GEERIYOODAY DIYAARAD UU KU SOO DHUUNTAY.

(SAWIRKA)-SHIRKADA DIYAARDAHA MARYKANKA.

(CHARLOTTE/NC)-In badan waxa ey dhegaheyna maqlaan dad Tahriibayaal ah ayey Doontii sida kula Gadoontay Badda Miditereeniyaanka iyagoo ku sii jeeday dalalka Yurub,hadda arrintaas mid ka duwan una eg tahriib nuuc kale ah ayaa waxa ey ka dhacday dalka Maraykanka, sideey wax u dheceen?. Shaqaalaha dayactirka diyaarada ee ku sugan Garoonka North Carolina ayaa helay meydka qof looga shakiyay in uu yahay qof Tahriib ah qeybta ey ku degto diyaarada American Airlines taasoo dhawaan ka timid Yurub, sida ey booliisku sheegeen. Meydka ayaa la helay subaxnimadii Axada ee shalay, iyadoo diyaaradda ey dayactir ku socotay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Charlotte Douglas. Booliska Charlotte-Mecklenburg ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay iney baarayaan dhimashada Meydka la helay. Shirkadda diyaaradaha iyo booliisku midkoodna ma soo bandhigin macluumaadka ku saabsan qofka dhintay, oo ey ku jiraan sabab macquul ah oo geeri ah, ama ma sheegin halka ey duullimaadka ka timid. Maamulka Garoonku wuxuu sheegay iney aad uga xun yihiin soo saarista diyaaradda, waxayna sheegeen iney gacan ka geysan doonaan baaritaannada booliiska. Shirkada Diyaaradaha ee American Airlines ayaa sheegtay in baaritaanka ey kala shaqeyneyso Hey’adaha sharciga su’aalahana ey u jeediso booliska. Khubaradu waxa ey aaminsan yihiin in marka afar loo qeybiyo qiyaastii saddex meelood aanay noolaan karin haddii ey ku dhuuntaan Diyaarada qeybteeda hoose sababta oo ah qabowga ba’an iyo ogsijiin la'aanta ey la kulmaan marka ay diyaaraddu gaarayso joogga sare ee hawada. Bishii Jannaayo, laba mayd ayaa laga helay qaybta ey ku degto diyaaradda JetBlue ee Garoonka diyaaradaha ee Fort Lauderdale-Hollywood. Meydadka ayaa laga helay aagga taayarka giraangiraha iyadoo lagu guda jiro kormeer caadi ah oo duulimaadka ka dib. Diyaaradan ayaa timid magaalada Fort Lauderdale waxyar ka dib markii ey kasoo duushay Garoonka caalamiga ah ee John F. Kennedy ee magaalada New York. Diyaaraddu waxay joogtay Kingston, Jamaica, iyo Salt Lake City, Utah, horraantii maalintaas. Bishii Disembar, qof meyd ah ayaa laga helay qeybta shaagaga diyaaradda United Airlines ka dib markii ay ku degtay Maui oo ka timid Chicago. Ilaa hadda ma kala cadda dalka ey ka timid diyaarada laga helay Meydka,balse waxaa cad iney ka soo duushay dal ka mid ah wadamada Yurub,eyna ku soo socotay dalka Maraykanka gaar ahaan Gobolka Waqooyi karolina(STATE OF NORTH CAROLINA). FADLAN LA SOCO SHEEKADA HALKEY KU DAMBEYSO.

XIGASHO-THE WASHINGTON TIMES.

Previous
Previous

BOQORTOOYADA INGIRIISKA OO KU DEEQDAY SOOMAALIYA 30-MILYAN OO DOOLAR.

Next
Next

WASIIR FIQI OO QAAHIRA KULA KULMAY DHIGIISA DALKA MASAR.