WASIIR FIQI OO QAAHIRA KULA KULMAY DHIGIISA DALKA MASAR.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI.
(CAIRO/EGYPT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada caasimadda ah ee Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Dalkaas. Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca Milateriga ee labada wadan iyo taageeridda dedaallada lagu xaqiijinayo Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka. Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay dalka Masar kaalinta muuqata oo ey ka qaadato Nabadda iyo Xasilloonida Gobolka, isagoo xusay in labada dal ey wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan Arrimaha istiraatiijiga ah ee danaha labada dhinac. Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga dalka Masar ayaa muujiyay sida uu Dalkiisu diyaar ugu yahay xoojinta xiriirka iskaashiga Milateri ee labada dal, isagoo sidoo kale xusay in ciidanka Masar ee qeybta ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ey dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya.
Dhinaca kale,Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Cabduwahaab Cabdullaahi Cumar, oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga, Admiral Enrico Credendino. Labada taliye ayaa ka wada hadlay Horumarinta iyo Qalabeynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo kulanka lagu xoojiyay iskaashiga labada dal ee dhinaca Amniga badda.
ISHA-SNTV.