RW-XAMSE OO MAANT MAR KALE BOOQDAY GAROONKA ADEN CADDE YIRINE…

(SAWIRKA)-RW-XAMSE OO KU SUGAN GAROONKA ADEN CADDE.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegaay in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya dhaqangalka amarkii uu dhawaan bixiyey ee ahaa hagaajinta adeegyada Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ayaa maanta mar kale kormeeray qeybaha Garoonka iyo gaar ahaan goobihii uu amray in la hagaajiyo. Raysal Wasaare Xamsa ayaa sheegay in maalintii uu Garoonka booqday kuna beegneed 16/9/25-ka ahaydne afar iyo toban maalmood ka hor iyo maanta oo ey taariikhdu tahay 1/10/25-ka uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya isla markaana ey muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay. “Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo afar iyo toban maalmood ka hor oo aan halkaan imid, isbeddel ayaa ka muuqda adeegyadda Garoonka, waxaan imid maanta iyadoo Mashiinadii ey shaqeynayaan qaarkood oo la beddelay inta kalena ey socoto shaqadoodii”. ayuu yiri Raysal Wasaaraha. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa mar kale amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shaqeeyo hagaajinta System-ka Qabooojiyaha Garoonka Diyaaradaha iyo in Biya Macaan ey helaan dadku, isagoo muddo hal toddobaad ah u qabtay Shirkadda Garoonka maamusha. Arrinta Garoonka Aden cadde qeybta Duulimaadyadda Gudaha ayaa ahayd mid dadku ey aad uga sheegteen ka dib markii la arkay Musqulihii iyo Mashinadii oo aan midkoodna shaqeyneyn.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO SWEDEN OO LA SHEEGAY INEY GALEEN HESHIIS QARSOODI AH.

Next
Next

XILDHIBAANO LA GUDOONSIIYEY SHAHAADO SHARAF SHAQO EY MUTEYSTEEN.