SOOMAALIYA IYO SWEDEN OO LA SHEEGAY INEY GALEEN HESHIIS QARSOODI AH.

(SAWIRKA)-DIYAARAD.

(SWEDEN)-Kaalmadii ey Dawladda Sweden siin jirtay dalka Soomaaliya ayaa loo weeciyay Mashaariic ku dhow Xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya si ey Soomaaliya dib ugu soo celiso Muwaadiniinta sida Qasabka ah loogu Tarxiilay dalka SWEDEN, sida uu muujinayo baaritaan ey sameysay Idaacadda Sveriges Ekot.

Khatarta Musuq-Maasuqu waa mid iska cad, lacagtaas oo si khaldan loo isticmaalo waa noo caddahay kuwii arrimahaas ka shaqeeyay, ayey tiri Wilo Cabdulle Cismaan oo ka soo shaqeysay arrimaha dib u celinta Soomaaliya oo la hadashay idaacadda.

Sida ey sheegtay Ekot, heshiiska la soo gebagebeeyey December 2023 ayaa horseeday khilaaf u dhexeeya dalalka Sweden iyo Soomaaliya. Waxaa ka mid ah, markii Sida ey diiday in ey bixiso lacagta Sanduuqa oo xiriir cad la leh Raysal Wasaaraha.

CADDEYNTA XIRIIRIYEYAASHA:

Lacagaha dhan 100-Milyan oo ah lacagta dalka Sweden ee Karoon oo gargaarka ah ayaa dib u dhac ku yimid waxaana ugu dambeyntii 40-Milyan oo lacagtaas ka mid ah lagu shubay Sanduuqa Bankiga Adduunka halka 60-kii Milyan ee soo hartay la siiyay Mashruuc hoostaga Hay’adda UNDP balse xiriir cad la leh Xafiiska Raysal Wasaaraha. Muujinta ka dib, Xisbiga Centerpartiet ayaa u yeeray Wasiirka Horumarinta Benjamin Dousa (Xisbiga Moderaterna) Guddiga Arrimaha Dibadda, sidaas waxaa sheegay SVT News.

Haddii ey run tahay in dowladda Sweden ey heshiis Qarsoodi ah la gashay dowladda Soomaaliya, waa arrin aad u culus, waa timo-jaris, ayey tiri afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Centern, Anna Lasses oo la hadashay SVT.

“LAALUUSH AHAAN YAAN LOO ISTICMAALIN”:

Waxay sheegtay in gargaarku uu aado ama loo isticmaalo waxyaabo ey ka mid yihiin Iskuullada Caruurta, Mashaariicda Dimuqraadiyadda iyo Cuntada.

Waa inaan loo isticmaalin laaluush ahaan in dadka laga soo tuuro Iswiidhan oo sabab ama mid kale aan rabin iney halkan ku haystaan.

Wasiirka horumarinta Benjamin Dousa ayaa ka jawaabay in dowladdu ey isku xirtay Gargaarka iyo Socdaalka in la kordhiyo soo laabashada, balse ey tahay Sida iyo Safaaradaha ka mas'uul ah hirgelinta gargaarka. "Waxay ila tahay in dad badan oo Iswiidhish ahi ey wanaagsan tahay in dembiilayaal badan oo lagu xukumay Masaafurinta iyagana la masaafuriyo," ayuu ku qoray faallo uu TT. Warbaahinta Ekot ayaa xiriir la sameysay Safiirkii hore iyo Sida oo aan ku heshiin wareysi. Sida ayaa sheegaysa in dawladdu ey go'aansatay iney taageerto UNDP.

XIGASHO-SWEDEN HERALD.

Previous
Previous

SAFAARADDA MARAYKANKA EE SOOMAALIYA OO HAKAD GELISAY ADEEGYADDA…

Next
Next

RW-XAMSE OO MAANT MAR KALE BOOQDAY GAROONKA ADEN CADDE YIRINE…