XILDHIBAANO BOOQDAY SAFAARADDA SOOMAALIYA EE UGANDHA.
(SAWIRKA)-AMB.FARDAWSA IYO XILDHIBAANADDA GSH.
(KAMPALA-UG)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Ugandha ee Kampala ayaa sheegaayo in halkaasi ey gaareen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kwaaso halkaasi safar shaqo ku joogay,Xildhibaanadda ayaa booqday Xarunta Safaaradda JFS ee wadanka Ugandha waxaane halkaasi ku soo dhaweeysay Danjiraha JFS ee dalka Ugandha Amb.Fardawsa Maxamed Qanyare oo ey wehliyaan Diblomaasiyiin iyo hawlwadeenada kale ee Safaaradda. Xubnahaan ka socday Golaha Shacabka ee BJFS ayaa kala ahaa Xildhibaanad Nadra Saalax Cabdi oo ah Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka,Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ah Gudoomiyaha Gudiga Beeraha,Horumarinta Reer Miyiga,Xoolaha iyo Kheyraadka Badda ee Golaha Shacabka BJFS,Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi iyo Mudane Maxamed Xuseen C/laahi.Safiiradda JFS ee dalka Ugaandha Amb.Fardawsa Qanyare ayaa xubnaha uga warbixisay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ugandha iyo hawlaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ugandha ey u hayso mawdiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ugandha. Xildhibaanadda ka socday Golaha Shacabka ayaa Danjiradda uga mahadceliyey kuna amaanay shaqada wanaagsan ey u hayso Qarankeeda.
ISHA SNTV.