MARKAB LAGA AFDUUBAY XEEBAHA PUNTLAND.
(SAWIRKA)-BURCAD BADEED SOOMAALIYEED.
(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Markab Kalluumeysi oo todobaadkii hore laga Afduubay Xeebaha Puntland uu muddo seddex cisho ah lagu haysto degaanka Xeebta JIIFLE oo ka tirsan Degmada Godob-jiraan ee Gobolka Nugaal. Markabka la afduubay ayaa laga leeyahay dalka Shiinaha balse waxa uu wataa ama ka dul babanaayo Calanka dalka Taywaan,Markabka ayaa la sheegay in la afduubay maalintii Arbacada ahayd ee ina soo dhaaftay,waxaane laga afduubay Xeebaha Degmada Xaafuun ee ka tirsan Gobolka Bari,degmada ayaa dhinaca ku haysa Bad weynta Hindiya. Afduubayasha Markabka ayaa la soo sheegayaa iney yihiin ilaaladii saarneed oo loo xil saaray iney sugaan badqabka shaqaalaha Markabka saaran iyo Markabkaba. Afduubayaasha Markabka laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa waxaa degmada Eyl ee G/Nugaal kaga biiray koox kale ey balansadeen kuwaso si aad ah u hubeysnaay si ey u xoojiyaan kooxda afduubka gayastay kuna sugan degaan Xeebeedka Jiifle. Sida ey sheegeen masuuliyiin reer Puntland ah Markabka la afduubaya ayaa waxaa wakiil ka ah Ganacsade reer Puntland lana yiraahdo Maxamuud Shiddo oo reer Garawe ah iyo Senitar Daahir Ayaanle oo ka tirsan BJFS ahne Ganacsade,Markabkaan ayaa la sheegay inuu Shati Kalluumeysi uu ka haysto maamulka Puntland,waxaane weli socdo isku dayo lagu doonaayo in Markabka lagu sii daayo in kastoo kuwii horay la isugu dayey ey guul dareysteen hadane lagama quusan xal ka gaaridda Markabkaan la haysto.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.