MADAXWEYANAH KENYA OO LOO DOORTAY INUU…

(SAWIRKA)-MW-RUTO OO LAGU SOO DHAWEYNAAYO ARUSHA TANZANIA.

(ARUSHA-TZN)-Wararka laga helaayo magaaladda Arusha ee dalka Tanzaniya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto maanta oo Sabti ah loo doortay inuu hogaamiyo Shir Madaxeedka Wadamadda Bariga Afrika,kaaso ah Hayad wareegta ah balse iska leh Go’aan ka gaarista Bulshada Bariga Afrika ee EAC, Madaxweyne Ruto ayaa xilka kala wareegayo Madaxweynaha dalka Suudaanta Koonfureed Salva Kiir. Go’aankan ayaa daba socdo wadatashiyo ey yeesheen Madaxda Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da oo ey ka mid yihiin Samiya Suluhu Xasan(Tanzaniya(,Yoweri Kaguta Museveni(Uganda),Paul Kigame(Rwanda),Xasan Sh.Maxamud(Somalia),Salva Kiir(S/Sudan) iyo Prosper Bazombaznza oo metelaayey Madaxweynaha dalka Burubdi. Madaxweynaha Janhuuriyadda Dimuqaaraadiga ah ee Koongo(DRC) Flix Tshisekedi oo la filaayey inuu xilka kala wareego Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ayaan ka qeybgelin shirka. Hogaamiyeyaasha ayaa markaas u jeestay Madaxweynah Kenya William Ruto si ey ugu tanaasulaan. Sida laga soo xigtay ilo xogogaal ah,Madaxweynaha Tanzaniya Samiya Suluhu Xasan ayaa usha u gudbisay iyadoo u sababeysay ballan qaadyo kale xilli ciyaareedkan,halka Soomaaliya aysan diyaar u ahayn iney noqoto Gudoomiyaha Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da ka dib markii la aqbalay bishii Noofembar ee sannadkii hore 2023-kii,si kastaba ha ahaatee,Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud ayaa hadda noqon doono wakiilka sannadka soo socdo iyadoo ey suurtagal tahay inuu qabto xilka Gudoomiyaha sannadka soo socdo-2025-ka.

ISHA-DN.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

JUBALAND OO WAR KA SOO SAARTAY DUULIMAADYADA..

Next
Next

MARKAB LAGA AFDUUBAY XEEBAHA PUNTLAND.