JUBALAND OO WAR KA SOO SAARTAY DUULIMAADYADA..
(SAWIRKA)-BAYAANKA KA SOO BAXAY JUBALAND.
(KISMAYO-JL)-Wararka ka imaanayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Maamul Goboleedka Jubaland ee Kismaayo ayaa sheegaayo in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dawlad Goboleedka Jubaland ey ku wargelisay dhamman Shirkadaha Diyaaradaha ee ka hawlgala Jubaland iney la shaqeeyaan Maareeyeyaasha cusub ee Garoomadda Diyaaradaha ey Wasaaraddu magacawday. Wasaaradda ayaa Shirkadaha laga leeyahay Soomaaliya ku wargelisay ineysan degaanadda Jubaland ka shaqeyn doonin cid eysan Wasaaradda u ogolaan iney ka shaqeyso,waxay kaloo Wasaaraddu sheegtay in Gudoomiyeyaasha Degmooyinka ey ku yaaliin Garoomadda Diyaaradaha iney si wanaagsan ula shaqeeyaan Mareeyeyaasha la soo magacaabay. Arrintaan ayaa imaaneysa ka dib markii ey Dawaladda Federaalka Soomaaliya ey Ciidamo u daabushay degmada Raaskambooni halkaasi oo la geeyey ciidamo isku dhaf ah ahne kuwa si gaar ah loo soo tababaray sida Haramcad, Gorgor iyo Danab. Dhinaca kale,warar aan la xaqiijin ayaa iyagan sheegaayo in Jubaland ey diidan tahay iney degaanadeeda yimaadaan siyaasiyiiin ey is hayaan DFS balse ku heyb ah Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud sida”Ex-RW-Xasan Cali Kheyre,Ex-MW-Sheekh Shariif iyo C/raxmana C/shakuur”,lama oga sida ey wax noqon doonaan haddii ragaan isku dayaan iney aadaan degaanadda Jubaland.
ISHA-SB-MEDIA.