SOOMAALIYA OO XIL MUHIIM AH KA QABATAY EAC-da.

(SAWIRKA)-MADAXDA WADAMADA XUBNAHA KA AH EAC-DA.

(ARUSHA-TZN)-Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da waxa ey si rasmi ah u aqoonsatay Luuqadaha Sawaaxiliga iyo Faransiiska iney yihiin Luuqadaha rasmiga ee Gobolka. Go’aankan ayaa lagu gaaray Shirkii Caadiga ahaa ee 24-aad ee Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ka dhacay magaaladda Caruusha ee dalka Tanzaniya,halkaaso lagu saxiixay laguna ansixiyey wax ka bedelka qodobka 137-aad ee heshiiska Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC. Qodobka 137-aad ee heshiisku wuxuu Luuqadda Ingiriiska u aqoonsan yahay Luuqadda rasmiga ah ee Gobolka iyo Luuqadda Sawaaixiliga in loo horumariyo sidii luuqada Faransiisa luuqadda guud ee Gobolka,balse Bulshada Bariga Afrika waxaa ka maqan Siyaasad ey Luqadda Sawaaxiliga uga dhigto Luuqad si rasmi ah looga aqoonsa yahay dhammaan sideeda wadan ee xubnaha ka ah Ururka EAC-da. Hadda Luuqadda Sawaaxiliga waxaa looga hadlaa dalalka Tanzaniya iyo Kenya oo qeyb ahaan laga isticmaalo Ugandha,Rwanda,Burundi,Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo,halka Luqadda Faransiiska ey Luuqad rasmi ah ey ka tahay wadamadda Burundi,Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga Koongo iyo Rwanad. Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa loo doortay Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da ee sannadka 2024/2025 iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud oo loo magacaabay Xoghayaha Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da. Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto waxaa ka go’an Horumarinta Nabadda,Xasiloonida iyo Hormarka dhaqaalaha si loo xoojiyo Ganacsiga iyo maalgashiga ka dhexeeyo wadamada ku bahoobay EAC-da. “Ganacsigu wax uu weli yahay matoorka muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha iyo is dhexgalka Gobolka Bariga Afrika. Taas darteed,waa in aan wax ka qabanaa caqabadaha gudaha ee hortaagan Ganasiga Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da”ayuu yiri Madaxweyne Ruto. Madaxweyne Ruto oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Wa inaan baabi’inaa caqabadaha tacriifta ahayn,kor u qaadno isku xirnaanta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta isawaafajinta sharciyeed. Tani waxay abuuri doontaa jawi Ganacsi oo aan kala go’o lahayn,taaso horseedeyso tartankeyna iyo kobaca dhaqaalahayna”.

ISHA-CD.

Previous
Previous

NIN IYO XAASKIISA OO KA GANACSADA DAROOGADA OO LA…

Next
Next

JUBALAND OO WAR KA SOO SAARTAY DUULIMAADYADA..