NIN IYO XAASKIISA OO KA GANACSADA DAROOGADA OO LA…
(SAWIRKA)-NIN IYO XAASKIISA OO GANACSADA DAROOGADA.
(MOMBASA-KENYA)-Marka aad joogtid magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ee dalka Soomaaliya aadna aragtid wiil dhallinyara ah oo Xididka laga soo siiyey Taramadool ama wax la mid ah isla markaasne Ogaal beelay ee dhexyaalo wadada una dhexeeyo nolol iyo Geeri, waxa aad is weydiineysaa sida uu ku helay Daroogada uu isticmaalay laakinse isma weydiineysid yaa dalka keena kana Ganacsada oo ey tahay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado,waayo wiilka dhallinyarada ah ee Muqdisho ku isticmaalaayo Taramadoolka iyo Daroogada la midka ah dibadda dalka loogama soo dirin ee magaaladda ayuu kasoo iibsaday,hadaba ujeedka sheekada ayaa ah arrin ka dhacday magaaladda Mombasa ee dalka Kenya laguna soo daabacay Waragayska The Sunday Standard ee dalka Kenya ayaa cinwaan looga dhigay”NAXDIN 40-SANO OO XARIG AH IYO DHACDADII FOOSH XUMEED EE BOQORADDA FADUMO AXMED”. Ugu dambeyntii haweeneydii reer Mombasa Xabsiga ayaa la dhigay waxaane lagu xukumay 40-sano oo Xariga ah,waxaane lagu Ganaaxay oo ey tahay iney bixiso lacag dhan 826-Milyan oo Shillinka Kenya ah ka dib markii lagu helay iney ka Ganacsato Daroogada nuuceeda loo yaqaano”HEROIN iyo COCAIN”taaso lagu qiimeyey in qiimaheedu dhan yahay 279-Milyan oo Shillinka Kenya ah. Swaleh Yuusuf oo loo yaqaano Candy Rain ama Kandereni iyo Xaaskiisa Fadumo Axmed ayaa ah laba qofood oo si weyn looga yaqaano Goobaha Ganacsiga Daroogada sida Bonnie iyo Clyde ee Ganacsiga.
ISHA-THE SUNDAY STANDARD.