MW-AFWERKI OO WARAYSI SIIYEY WARBAAHINTIISA.

(SAWIRKA)-MW-AFWERKI.

(ASMARA-ERI)-Sida caadiga iska ah shucuubta ku hoos nool Xukuno Kali-Talis ah Warbaahintooda ma aha mid xur u ah iney ka hadasho waxa ka jiro dalkaas isla markaasne ey ka sheegto dhabta ka jirta dalkaasi. Dalka Eritereeya waxa uu ka mid yahay Wadamada uu ka jiro Xukun Kali-Talis ah tan iyo markii uu Madax banaanidiisa ka qaatay dalka Itoobiya taariikhdu markeey ahayd 24/5/1993-dii taaso hadda laga joogo 31-sano. Hadaba,Madaxweynaha Dalka Eritereeya Isaias Afwerki ayaa Waraysi waxa uu siiyey Warbaahinta dalkiisa waxa uuna ka hadlay Qodobo ey ka mid yihiin: (1)-Saameynta ey Caalamka ku yeelan karto dib u doorashada Madaxweynaha dalka Marayaknak Donald Trump. (2)-Colaad Dalka Suudaan. (3)-Shirkii Seddex Geesoodka ahaa ee u dhexeeyey Soomaaliya,Eritereeya iyo Masar. (4)-Xaaladda dalka Itoobiya iyo kala Qeybsanaanta Jabhadda TPLF. (5)-Barnaamijyada Horumarineed ee dalka Eritereeya. Waraysigaan ayaa waxaa Soomaaliya ka khuseeyo qeybta ku saabsan Heshiiskii ey wada galeen seddexda dal Soomaaliya,Masar iyo Eritereeya, muxuu ka yiri Madaxweyne Afwerki? Madaxweyne Isaias waxa uu soo hadal qaaday qaloocinta xoogan iyo ololoyaasha War-Wareejinta ee warbaahinta guud iyo kuwa bulshadaba ka baahiyeen dhacdadaan ey sameeyeen quwadaha dibadda iyo khubarada u heelan hurinta colaada Gobolka. Kuwaasi kama imaanin welwelka dhabta ah ee Itoobiya. Nidaamku waxa uu ku lug lahaa in si ula kac ah loo indha tiro ama aan loo iftiimin cabiradda dhabta ah iyo kuwa togan ee Shir Madaxeedka Seddex Geesoodka ah ee lagu kobcinaayo is afagaradka loogu jiro Xasiloonidda Gobolka. Danaha muhiimka ah ee dalka Eritereeya iyo Siyaasadaha joogtada ah ee ka qeybgalka waxay daaran yihiin kobcinta iyo raadinta ajandaha kor u qaadista Xasiloonida,Iskaashiga iyo dhammaystirka Geeska Afrika oo balaaran,Dooxada Niilka iyo deriska Badda Cas. Eritereeya runtii wax dan ah kama laha iney Xasilooni darri ka abuurto dalka Itoobiya. Wadatashiyadda labada dhinac ee heerarka kala duwan ee dalalka deriska ah lagu sameeyo waxay meesha ka saareysaa kalsooni darridda waxayna abuureysaa jawi ku haboon is dhexgal togan oo mira dhal ah oo dhexmara dhinacyada uu ka koban yahay.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

DALKA BAKISTAAN OO BISHII NOFEMBAR LAGU DILAY…

Next
Next

NIN IYO XAASKIISA OO KA GANACSADA DAROOGADA OO LA…