DALKA BAKISTAAN OO BISHII NOFEMBAR LAGU DILAY…
(SAWIRKA)-ASKERI KA TIRSAN CIIDAMADDA BAKISTAAN.
(KARACHI-PAKI)-Dalka Bakistaan waxa uu ka mid yahay wadamadda Muslimka ah ey kuwada nool yihiin dad kala haysto Mad-habyo kala gedisan sida Sunni iyo Shiica, waane mid ka jirto dhammaan wadamada la jaarka ah dalka Bakistaan sida Afgaanistaan. Dhibaatada ey leedahay colaada ku saleysan Mad-habta waa mida ugu xun ee ka dhex dhacda Muslimiinta Caalamka oo dhan,hadaba dalka Bakistaan ayaa ugu yaraan 245-Qofood oo ey ku jiraan 68-askeri oo ka tirsan ciidamadda Amaanka ayaa lagu dilay weeraro Argagixiso iyo isku dhacyo xiriir ah oo ka dhacay dalka Bakistaan bishii Noofembar ee sannadkan 2024-ka. Dhimashada waxaa ka mid ah 127-Qof oo looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Mintidiinta Xagjirka ah iyo 50-Qof oo Rayid ah,sida lagu sheegay xog uu maanta oo Axad ah sii daayey Mac-hadka Baarista Amniga iyo Iska Hor imaadyada dalka Bakistaan ee (PICSS) oo ah Xarun Cilmi nafsi oo fadhigeedu yahay Islamabad. Bishii inaga tagtay ee Noofembar, waa bishii labaad ee ugu dhimashada badneed ka dib bishii Agoosto,markaaso ey naf waayeen dad gaaraayo ilaa 254-Qof eyna ka mid yihiin 92-Qof oo Rayid ah,108-Dagaalyahan iyo 54-Askeri oo ka tirsan Ciidamadda Amaanka. Si kastaba ha ahaatee,marka loo eego khasaraha soo gaaray Ciidamadda Amaanka dalka Bakistaan,waa bishii ugu dhimashada badneyd marka loo fiiriyo bishii Oktoobar oo la dilay ilaa 62-Askeri oo ka tirsan Ciidamadda Amaanka.
ISHA-AA.