DHUL GO’O KA DHACAY UGANDHA OO WELI BAADI…

(SAWIRKA)-DHUL GO’O KA DHACAY UGANDHA.

(BULAMBULI-UG)-Wararka laga helaayo dhul go’ii ka dhacay dalka Ugaandha ayaa sheegaayo in Tirada dadka ku dhintay dhul go’a oo habeenimadii Arbacada ee la soo dhaafay ku dhufatay tuulooyin dhawr ah oo ku yaalo Bariga dalka Ugaandha halka loo yaqaano Bulambuli ayaa gaartay ilaa 20-Qofood,sida uu sheegay afhayeen u hadlay Booliska Jimcaha maanta ah. Rogers Taitika oo ah afhayeenka Ciidanka Booliska ee Gobolka Elgon ayaa khadka Telefoonka ugu sheegay Wargayska Caalamiga ah Xinhua in wadar ahaan 20-meyd ah laga soo saaray goobta uu ka dhacay dhul go’a. Afhayeen Taitika waxa uu sheegay in,in ka badan100-qofood la rumaysan yahay in weli la la’ayahy ka dib musiibadaas taaso ka dhalatay roobab mahiigaan ah ey aaseen in ka badan 40-guri qaar kalane ey waxyeeleeyeen. Afhayeenku waxa uu sheegay in 21-qofood la soo badbaadiyey kuwaaso hadda lagu daweynaayo Isbitaaladda. “Waxaan sii wadeynaa hawlgaladda ,waxaane meesha ku haynaa dhawr kooxood oo gacan ka gaysaneysa hawsha socota”ayuu raaciyey hadalkiisa. Dhulka go’a iyo dhoobada ayaa noqotay mid soo noqnoqda dalka Ugaandha xilliyadda ey roobabku da’ayaan. Bishii Agoosto,in ka badan 30-qofood ayaa naftooda ku waayey dhul go’o ka dhacay goob qashinka lagu shubo oo ku taalo bartamaha dalka Ugaandha ka dib markii roobab mahiigaan ah oo maalmo socday ey halkaasi ka de’een. Horaantii bishii Meey dhul go’o ka dhacay galbeedka degmada Kasese ayaa dilay sideed qofood.

ISHA-TI.

Previous
Previous

XILDHIBAANO BOOQDAY SAFAARADDA SOOMAALIYA EE UGANDHA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO…