MW-XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO…
(SAWIRKA)-MW-XAN SHEEKH OO GAARAY TANZANIYA.
(ARUSHA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.DR.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaaladda Caruusha ee dalka Tanzaniya si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeyo Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka jeedin doono khudbad uu Madaxda iyo Martida sharafta uga warbixnaayo dadaaladda dawlad dhiska,kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la falgelidda Horumarka Ganacsi,Waxbarasho iyo horumarineed ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Shirkaan Taariikhiga ah ayey Madaxdu dib ugu milicsan doonaa waxqabadkii ey madashu gaartay intii ey jirtay sidoo kalane waxa ey falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha is dhexgalka Gobolka,gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasilooni waarta. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa inta uu ku sugan yahay magaaladda Caruusha ee dalka Tanzaniya kulan doceedyo la yeelan doono Madaxda Dhigiisa ah ee dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.
ISHA-SNTV.