XILDHIBAANAD GOBSAN OO CEYRSATAY FIRIMBI.
(SAWIRKA)-SHEEKH ADEN MADOOBE.
(MUQDISHU)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir Guddoomiyay kulanka guud ee Golaha Shacabka oo ah Kalfadhiga Lixaad kulankiisa labaad. Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa Akhrinta Sedaxaad iyo u Codeynta Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Guddiga Cadaaladda, Garsoorka, Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka uu Xildhibaanada ka codsaday in dib loogu dhigo Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedkan si ey u soo dhameystiraan Arrimo Farsamo oo Hindise Sharciyeedkan la xiriira. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa fadhiga ka sheegay in Guddoonka uu soo gaaray Mooshin ama soo Jeedin ey soo gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha kaasoo ku saabsan ilaalinta Xasaanada iyo Safarada Xildhibaanada. Xildhibaanada oo cod gacan taag ah ku ogolaaday in Ajendaha la xiriirta Mooshinkaas lagu daro Ajendaha maanta ayaa ka dooday sida ey muhiim u tahay in la ilaaliyo Xasaanada Xildhibaanada, Safarada ey ku tagayaan deegaan doorashadooda iyo inaan lagu Xadgudbin. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ey sii socon doonto isla markaana xildhibaanada haray ey Aragtidooda dhiiban doonaan kulanka xiga. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Daawada, Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ceymiska iyo Heshiisyada u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku saabsan Iskaashiga Caalamiga ah ee Garsoorka.
ISHA-SNTV.