HOGAAMIYE SARE OO AL-QACIDA AH OO LAGU DILAY..

(SYRIA)-Ciidamada CENTCOM ayaa Suuriya ku dilay Hogaamiyihii Sare ee Millatari ee Ururka Gacan saarka la leh Ururka ALQaacida ee la yiraahdo Xurras AL-Diin(HaD) ee dalka Suuriya 23-kii Feberaayo, Ciidamada Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa duqeyn sax ah ka fuliyay Waqooyi Galbeed Suuriya, iyagoo bartilmaameedsaday, laguna dilay Muxamed Yuusuf Ziya Talay, oo ahaa Hoggaamiyihii sare ee militariga Ururka Argagixisada ah ee Xurras Al-Diin (HaD), iyo Al-Qaacida. Weerarka cirka waa qayb ka mid ah ballanqaadka joogtada ah ee CENTCOM, oo ey weheliyaan la-hawlgalayaasha gobolka, si ey u carqaladeeyaan una wiiqaan dadaallada ey Argagixisadu ku Qorsheynayaan, Abaabulaan, oo ey fuliyaan weerarada ka dhanka ah rayidka iyo shaqaalaha militariga ee Mareykanka, xulafadayada, iyo saaxiibadayada Gobolka oo dhan iyo meelo ka baxsan. "Sida aan horay u sheegnay, waxaan sii wadi doonaa inaan si hagar la'aan ah u baacsano Argagixisadan si aan u difaacno dhulkeena hooyo, iyo Mareykanka, xulafada, iyo shaqaalaha iskaashiga ee Gobolka," ayuu yiri Gen. Michael Erik Kurilla, Taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka(CDENTCOM).

ISHA-CENTCOM.

Previous
Previous

XILDHIBAANAD GOBSAN OO CEYRSATAY FIRIMBI.

Next
Next

BERRI OO SABTI AH WAA KOOWDA BISHA RAMADAAN.