BERRI OO SABTI AH WAA KOOWDA BISHA RAMADAAN.
(SAWIRKA)-SACUUDIGA.
(RIYAD)-Bisha Ramadaan ee ku beegan maalinta Sabtida ayaa laga arkay dalka Sacuudiga, sida ey shaaciyeen Guddiga u xilka saaran soo ogaanshaha bisha Ramadaan iney bilatay. Ka dib markii la arkay bisha fiidnimadii Jimcaha, bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bisha 9-aad ee Hijriyada Islaamka ayaa bilaabaneysa 1-da Maarso/2025-ka oo ku beegan Sabtida berri ah,sida ey shaacisay Maxkamadda Sare ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga. Aragtida bisha ayaa lagu arkay Boqortooyada oo dhan iyadoo lagu arkay goobo ey ka mid yihiin Sudayr iyo Tumayr. Maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa Khamiista shalay ahayd ugu baaqday dhammaan Muslimiinta ku nool Sacuudiga iney arkaan bisha Ramadaan fiidnimada Jimcaha. Maxkamaddu waxay sheegtay in qof kasta oo indhahiisa ku arka bisha Ramadaan ama Qalabka wax lagu arko in uu ku wargeliyo Maxkamadda ugu dhow halka uu ku sugan yahay, isla markaana uu markhaatigiisa ku qoro halkaas, ama uu la xiriiro xarunta ugu dhow si loogu toosiyo Maxkamadda ugu dhow. Guddiga Daawashada Dayax-Gacmeedka Sacuudiga ayaa inta badan u fiirsada bisha maalmaha ka hor inta aan la gaarin maalinta la filayo in bisha Ramadaan ey bilaabato, balse waxay ku dhiiri geliyeen Muslimiinta kale ee doonaya iney arkaan bisha. Inta lagu jiro bisha Ramadaan, Muslimiintu way ka fogaadaan wax cunista iyo cabbitaanka laga bilaabo Qorax ka soo baxa ilaa Qorax dhaca taas oo qayb ka ah cibaadada Islaamka ee ujeeddadeedu tahay dhiirigelinta Dulqaadka, Samafalka, iyo Daryeelka bulshada. Waa bishii barakada ee Qur’aanka Kariimka ah lagu soo dejiyay Nebi Muxamed. Soonka bisha, laga bilaabo Waaberiga ilaa Maqribka, waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka. Munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan, Muslimiintu waxay Calaamadeeyaan Marxalad Nololeed oo isbeddel ah oo ey hiigsanayaan iney Horumariyaan Ruuxooda, ka baxaan Caadooyinka xun-xun halkii ey ka joojin lahaayeen, baryi lahaayeen, ku bogsiin lahaayeen, bixin lahaayeen Sadaqo, hurdo yar, tukadaan oo badiyaan Qiyaamu leylka ama Werdiga inta lagu jiro bishan dembi dhaafka.
ISHA-AN.