KENYA OO DIYAARISAY CIIDANKII KA MID NOQON LAHAA…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA KENYA.
(NAIROBI)-Dowladda Kenya ayaa waxay soo bandhigtay qaar ka mid ah ciidamada uga qeyb galaayo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Ciidamadan ayaa haatan tababar uga socdaa Xerada Dagaalka Lerata ee Degmada Samburu. Tababarkan, ayaa loogu talagalay in lagu diyaariyo ciidamada si ey uga shaqeeyaan Nabad-ilaalinta iyo Xasilinta Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay iney u tababarayso Xeeladaha la dagaallanka fallaagada, iyo istiraatiijiyadaha ka Jawaabista Xaaladaha Bani’aadantinimo. Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Soipan Tuya ayaa ku ammaanay dedaalka ciidamada Kenya iyo sida ey uga go’an tahay Xasilloonida iyo Amaanka Gobolka. "Ciidamadeennu si wanaagsan ayey u diyaarsan yihiin si ey u taageeraan dadaallada Nabadda iyo Xasilinta Soomaaliya. Tababarkani wuxuu hubinayaa iney diyaar u yihiin wax ka qabashada caqabadaha Amni," ayey tiri Wasiirka Gaashaandhigga Kenya. Kenya waxay door ka ciyaartaa Howlgalada Nabad-ilaalinta ee Gobolka,la-dagaallanka kooxaha Argagixisada iyo dadaallada Xasilinta Soomaaliya.
ISHA-HOL.