WARIYE CAAN KA AH MUQDISHO OO XABSIGA LOO TAXAABAY.
(SAWIRKA)-WARIYE CALI ADAN MUUMIN.
(MUQDISHO)-Ciidanka Booliska Soomaaliya, gaar ahaan Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa caawa Xabsiga Dhigay Weriye Cali Aadan Muumin oo ka mid ah Weriyaasha ugu caansan caasimadda Muqdisho. Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Macallin Mahdi Cumar Muumin ayaa xaqiijiyey iney xireen Weriye Cali Aadan, isagoo ku Eedeeyey ‘Qalqal Gelin Amni iyo Aflagaado Madaxeed.’ “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar-Weyne ayaa soo xiray Eedeysane Cali Adan Muumin oo ku Eedeysan Qal Qal Gelin Amni iyo Aflagaado Madaxeed,” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Booliska ayaa Qoraalkaan ku sheegay in Cali Aadan la hor geyn doono Maxkamadda awooda u leh. “Muwaadiinta Soomaaliyeed waxaa la faray in eysan qeyb ka noqonin Qal qal Gelinta Amniga iyo Faafinta Wararka Been Abuurka ah,” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska. Cali Aadan Muumin ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaliilayey Dowladda Federaalka, isagoo ka hadlayey waxyaabaha ey ka gaabiyeen Madaxda Dowladda Federaalka. Sidoo kale dagaallada AL-Shabaab ee ka socda HirShabeelle ayuu aad wax uga qoray Cali Aadan maalmihii lasoo dhaafay. Waxyaabaha uu Cali Aadan qoray ee la xasuusto waxaa ka mid ah in caasimadda HirShabeelle ee Jowhar ey gashay go’odoon, halisna ey ugu jirto la qabsado. Dhinaca kale, markii la shaaciyey xarigga Weriye Cali Aadan ka dib, waxaa is qabsatay hadal-heyn ku saabsan in Cali aan la xirin oo jiliin uu wado Macalin Mahdi, maadaama ey labada nin qaraabo yihiin. Saaxiibada Social Mediyaha ee Weriye Cali Aadan ayaa Baraha Bulshada ku faafinaya warar sheegaya in Macalin Mahdi uu Afur ugu yeeray Cali Aadan, ka dibna uu xiray markii uu ugu tegay gurigiisa. Waa hawlgal bilaw ah loogana dan leeyahay sidii wax looga qaban lahaa Wariyeyaasha iyo Youtuber-da amaba Tiktokarada caadeystay iney Fiyuusan ku raadiyaan dhaleeceynta iyo been la sheegidda waxyaabah ka jira dalka gaar ahaan dagaalka ALshabaab ee hadda intiisa badan uu ka socdo Gobolka Shabeeladda Dhexe ee Dawlad Goboleedka H/Shabeelle. Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in magaaladda Muqdisho dhawr Wariye oo aan u shaqeyn Warbaahinta Madaxa Banaan ey shaqaaleeyeen Mucaaradka DFS si ey ugu sameyaan dicaayaddo dhinaca Baraha Bulshada. Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Muqdisho tusaale ahaan Telefishanka Shabeelle ayaa ah mid ey farta ku godan tahay lagana yaabo iney saameyso hawsha socoto ee ah Cadeeyn u keen waxa aad sheegtay.
ISHA-WAKAALADO.