164-TAHRIIBE OO LAGU QABTAY XEEBAHA YEMAN.
(SAWIRKA)-TAHRIIBIYAAL AFRIKA KA YIMID.
(YEMAN)-Olole dhanka ammaanka ah oo ey waddo dowladda Yeman ayaa Sabtidii maanta ah sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha ey qabteen Doon Tahriib ah oo ey saarnaayeen 164-Qof oo Muhaajiriin Afrikaan ah oo sharci darro ah, oo eyna ku jiraan 37 Haween ah. Ololuhu waxa uu bayaan uu soo saaray ku micneeyey in Doonida la arkay xilli ey isku dayaysay iney si dhuumaaleysi ah gudaha ugu soo gasho Xeebaha dalka Yemen, sidaas darteed la qabtay oo lana baaray, halkaas oo ey ka cadaatay ama la ogaaday in tahriibayaasha ey ku sugan yihiin Xaalad Adag oo aan dukumentiyo rasmi ah haysan. Waxay intaas ku dartay in Muhaajiriinta loo gudbiyay Xarun loogu talagalay dadka lagu hayo, halkaas oo la siiyay gargaar bilow ah, si ey ugu diyaar garoobaan dhamaystirka hannaanka Musaafurintooda si Waafaqsan Shuruucda khuseeysa. War-saxaafadeedka ayaa lagu xaqiijiyay in la qabtay shaqaalihii Doonida oo ka koobnaa saddex qof, waxaana la sheegay in Xabsiga la dhigay, waxaana la sheegay in loo gudbin doono Hay’adaha Garsoorka dalka oo lagu Eedeynayo iney dadka tahriibin jireen. Laamaha Amaanka ayaa tilmaamay in la furay baaritaan balaaran oo lagu baadi goobayo shabakadihii ku howlanaa howlgalkaasi, isla markaana lagu baadi goobayo dadka Tahriibayaasha ah ee ka tahriibaya badda. Waxay carabka ku adkeysay sii wadida ololaheeda lagu baacsanayo shabakadaha wax Tahriibiya, iyadoo ka digtay khatarta howlgalladan ey u leeyihiin Ammaanka iyo Xasilloonida. Ololuhu wuxuu ugu baaqay Muwaadiniinta iney la shaqeeyaan Hay’adaha awoodda u leh oo ey soo sheegan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo oo qeyb ka noqon kara Tahriibka Sharci darada ah ee lagu soo gelaayo dalka Yeman.
ISHA-MASDAR-ONLINE.