MASAR IYO ERITEREYA OO KA SHIRAY XAALADA SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-WASIIR BADR IYO MW-AFEWERKI.

(ASMARA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar Badr C/caadhi ayaa booqasho ku tagay dalka Ereteriya halkaas oo uu ka gudbiyey dhambaal afka ah oo uu ka siday Madaxweyne dalka Masar Abdel Fattah El Sisi oo uu u diray Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ku sugan magaalada caasimada u ah dalka Eritereeya ee Asmara, taasoo ku saabsanayd Xoojinta iyo Horumarinta Xiriirka labada dal ee Masar iyo Eritereeya marka laga soo tago Arrimaha Gobolka ee danaha labada dal. Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay in la dardar geliyo Hannaanka Isuduwidda Saddex Geesoodka ah ee Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya, ka dib shirkii ugu horeeyay ee heer Wasiir ah oo ka dhacay magaaladda Qaahira ee dalka Masar. Waxa ey ka wadahadleen Xoojinta Xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danaha wadaagga ah ee labada dal, ayuu ku daray. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday Aragtiyo is dhaafsi ah oo ku saabsan Arrimaha Gobolka ee danta guud oo ey ugu sarreyso Xaaladda Afrika iyo habka lagu taageerayo Nabadda iyo Ammaanka Geeska Afrika. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaalanka Argagixisada marka laga soo tago Xaaladihii ugu dambeeyay ee Suudaan. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay Xaaladda Liibiya iyo Gobolka Saaxil ee Afrika, iyo sidoo kale Horumaradii ugu dambeeyay ee dhanka Ammaanka ah iyo Maamulka Badda Cas. Dhankiisa, Madaxweyne Afwerki ayaa sheegay in dalkiisu uu rajaynayo sare u qaadida xiriirka laba Geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan si loo gaaro Himilooyinka labada dal una muuqdo inuu yahayxiriirka taariikhiga ah oo ka dhexeeya labada dal Masar iyo Eritereeya.

ISHA-WAKAALDO.


Previous
Previous

RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY KULAN LOOGA…

Next
Next

164-TAHRIIBE OO LAGU QABTAY XEEBAHA YEMAN.