RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY KULAN LOOGA…
(SAWIRKA)-SHIR LOOGA HADLAY AMNIGA CAASIMADDA MUQDISHO.
(MUQDISHO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir Guddoomiyey kulan looga hadlayey Dardargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho iyo Deegaannada ku xeeran, si looga Feejignaado Dhagarta Cadowgu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee Cibaadeysanaya Bishan Barakeysan ee Ramadan. Hey’adaha Amniga ayaa kulanka ku soo Bandhigay Warbixinno ku saabsan Horumarka laga gaaray Amniga guud ee Caasimadda iyo Deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii Hey’addaha Amnigu ey si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen Sugidda Amniga iyo Kor-u Qadidda Wada-shaqaynta Laamaha Amniga iyo Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha Xamse cabdi Barre ayaa ku Ammaanay Hey’adaha Amniga Juhdiga iyo dadaalka ey geliyeen Sugidda Amniga, isaga oo faray Hey’adaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir iney kor u sii qaadaan dadaallada lagu Horumarinayo Nabadgelyada caasimadda, maadaama kooxaha Khawaarijta ah wakhtigoodu gabaabsi yahay. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Md.C/laahi Fartaag, Wasiiru Dawlaha G/dhiga Md.Cumar Cali Cabdi, Taliye Ku-Xigeenka Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed Md.Gen.Ufuraw, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen.Asad Diyaano, Taliyaha Qeybta Booliska G/Banaadir Macallin Mahdi, taliyaha ciidamada Booliska Mileteriga, Taliyaha Hayadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Qeybta G/Banaadi Md.Shaaweey iyo Gudoomiyaha G/Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir iyo masuuliyiin kale.
ISHA-SNTV.