IRAAN OO LA OGAADAY INEY HUBEYSO ARGAGIXISADA.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO HUB SIIYA ARGAGIXISADA.

(YEMAN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman caasimadiisa Sanca ayaa sheegaayo in Kooxda Xuutiyiinta ey qirteen iney hub siiyaan Kooxda Argagixisada ALshabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya. Askeri ka tirsan Ciiamadda Badda ee Xuutiyiinta ayaa shaaca ka qaaday halista uu leeyahay Qorsha dalka Iraan ee ku wajahan Yeman iyo Geeska Afrika,iyadoo ujeedadu tahay in la balaariyo khataraha ku wajah socdaalka Caalamiga ah ee ka imaanaya Badda Cas ee dhexmara dhulka ey u xukumaan Xuutiyiinta kuna wajah ilaa badda Weynta Hindiya halkaasoo kooxda Argagixisada ALshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya loo gaarsiiyo Hub iyo Saanadda ey u baahan yihiin. Tani waxa ey ku soo beegantay qiraal ey baahiyeen Warbaahinta Mileteriga ee ku sugan Xeebaha dalka Yeman,oo ey la sameeyeen nin ka tirsanaay Ciidamadda Badda ee Xuutiyiinta lana yiraahdo Axmed Suleymaan Axmed Xamli Raziiq ka dib markii uu gacanta u galay Ciidamada Amaanka ee Gobolka Xudeyda ee dalka Yeman halkaaso qirashadiisu ey salka ku heyso waqtiga uu ku biiray Ciidamadda Badda ee Xuutiyiinta dhamaadii sannadkii 2023-kii,isagoo u sii maray shaqsi ka tirsan maamulka Xudeyda oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Xalsi Bashaara,waxa uuna qaatay tababar dhinaca dagaalka ah mudddo dhan 20-tan maalmood,waxaa kaloo uu qaatay tababar takhasus ah kuna saabsan dhinaca badda kaaso dhammaay ilaa toban maalmood,ka hor inta aan loo magacaabin isku xiraha hubka ee u dhexeeyo Xuutiyiinta iyo kooxda Argagixisada ALshabaab ee dalka Soomaaliya taaso xiriir toos ah la leh Kooxda Argagixisada Caalamiga ah ee AL-Qaacidda. Xuutigaan la qoray ayaa qirtay inuu fuliyey shan hawlgal oo qalab iyo hub uu ugu soo daabulay kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman dabayaaqadii sannadkii 2024-tii isaga oo soo maray Xeebaha Gobolada Mehra iyo Shabwa ee dalka Yeman iyo sidoo kale in xubno ka mid ah Argagixisada ALshabaab ee Soomaaliya iyo Yamaniyiin isugu jira uu ka soo tahriibiyey Soomaaliya una tahriibiyey Yeman. Qirashada ninkaan Xuutiyiinta ka tirsan ayaa Xoojineysa eedeymaha ey u jeediyeen Gudiga Cunaqabateynta Qaramada Midoobe ee ka dhanka ah dalka Iraan ee ku saabsan taageerada Iraan ey siiso Ururka Argagixisada ee ALshabaab ee hubeysan kana dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya iyada oo loo sii marinaayo kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,iyo sidoo kale xaqiijinta dadaalka joogtada ah ee Iraan ey ku dooneyso iney ku aarsato khasaarihii xooganaa ee ka soo gaaray dalalka Lubnaan iyo Suriya,iyadoo kor u qaadeysa awooda Maleeshiyaadka kooxda Xuutiyiinta Yeman iyo Gelitaan Gobolka Geeska Afrika. Sida muuqata ninkaan bixiyey wareysiga kana tirsan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ah nin si gaar ah ugu takhasusay Tahriibinta Hubka nuucyadiisa kala duwan iyo Dadka raba iney galaan dalalka Khaliijka kana soo jeeda Bariga Qaaradda Afrika sida Soomaaliya iyo Itoobiya, inta badan Xeebaha dadka Tahriibka ah laga soo qaado ayaa ah kuwa ka tirsan amaba hoostaga Dawlad Goboleedka Puntland,haddii hub la keenana waa mid soo gaara Kooxda Argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Gobolka Bari ee Puntland,marka loo fiiriyo waqtiga ama taariikhda uu xusay inuu hub geeyey Soomaaliya ee ma aha Kooxda ALshabaab waayo Kooxda ALshabaab waa laga xoreeyey dhul Xeebeedka ey kaga sugnaayeen Dawlad Goboleedka Galmudug sida Hobyo,Xaradheere,Mareeg iyo Cigo.

ISHA-AA.

Previous
Previous

RABSHADO KA DHACAY XERADA QAXOOTIGA KAKUMA.

Next
Next

RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY KULAN LOOGA…