RABSHADO KA DHACAY XERADA QAXOOTIGA KAKUMA.

(SAWIRKA)-XERADA QAXOOTIGA KAKUMA EE KENYA.

(NAIROBI)-Dhowr qof ayaa si xun loo dhaawacay ka dib markii Mudaaharaad ey ku lug lahaayeen Qaxooti ey Rabshado ka dhigeen Xerada Qaxootiga ee Kakuma maanta oo Isniintii ah kuna beegan Seddexda Bisha Maarso-2025-ka. Mudaaharaadyada oo socday todobaadkii labaad ayaa yeeshay waji Nasiib darro ah iyadoo booliisku ey isku dayeen iney kala eryaan Qaxootiga carooday oo ey ka go’an tahay iney u socdaan Xafiisyada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ee ku taal Xerada Qaxootiga Kaakuma. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Qaxootigu waxa ey dhigeen Mudaaharaad Nabadeed, iyaga oo dalbanaya in dib loo soo celiyo Sahaydii muhiimka ahayd, kuwaas oo la jaray dhaqaale yaraan awgeed. Si kastaba ha ahaatee, wax qabad la’aan ayaa keentay in qeyb ka mid ah Qaxootiga ey sabar la’aan noqdaan, taasoo keentay iney socod ku tagaan Xafiisyada UNHCR. Muuqaalo ey heleen Warbaahinta ayaa muujinaya muuqaalo Murugo leh, iyadoo qeybo ka mid ah dibad Baxayaasha ey ku yaaceen dabaqa halka kuwa kalena ey ku eedeeyeen Saraakiisha Sharciga iney isticmaaleen awood xad dhaaf ah. Subaxnimada Isniinta maanta ah, booliisku waxa ey dagaal la galeen Qaxootiga, iyaga oo ridayay Sunta dadka ka ilmeysiisa si ey u kala eryaan dadkii carooday. Sida ey sheegeen dadka deegaanka Xaaladda Nololeed ee ka jirta Xerada Qaxootiga Kaakuma ayaa ka sii dartay, iyadoo tobanaan Qaxooti ah eysan awoodin iney helaan cunto iyo adeegyo kale oo muhiim ah. Horay waxaa digniin u soo saaray Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR iyo Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, kuwaasi oo sheegay in caqabado dhaqaale ey keeni karaan iney hoos u dhacaan howlahooda shaqo. Dhimista dhawaanahan ee Gargaarka Bini'aadantinimo, oo inta badan loo aanaynayo Maalgelinta uu jaray Maraykanka, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay caqabadaha dhaqaale ee soo food saartay UNHCR. Maraykanku wuxuu ahaa Deeq-bixiye fure u ah Barnaamijyada Qaxootiga ee Kenya. Kaliya maahan in yaraanta kheyraadka aasaasiga ah sida cunnada ey keentay gaajo baahsan oo Xerada oo dhan ah, laakiin sidoo kale waxay keentay mmaan darro sii kordhaysa. Waxaa xusid mudan, in tiro badan oo Qaxooti ah oo ku sugan Xerada Qaxootiga Kaakuma ey yihiin muwaadiniin Suudaani ah. Xerada oo ey weheliso deegaanka Kalobeyei, waxay martigelisaa in ka badan 148,000 oo Qaxooti Koonfurta Suudaan ah oo ah mid ka mid ah Qaxootiga ugu Weyn Adduunka. Sannadkii 2013-kii, laba sano ka dib markii Koonfurta Suudaan ey Xorowday, waxaa mar kale Qarxay dagaal sokeeye, kaasoo sababay rabshado hubeysan iyo hoos u dhac dhaqaale. Tani waxay ku khasabtay malaayiin qof iney u qaxaan dalalka deriska ah, oo ey ku jiraan Uganda, Itoobiya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo Kenya.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

DAGAAL LAGU XASUUQAY KOOXDA ALSHABAAB.

Next
Next

IRAAN OO LA OGAADAY INEY HUBEYSO ARGAGIXISADA.