DAGAAL LAGU XASUUQAY KOOXDA ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-QORAAL KA SO BAXAY DFS.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidanka Qalabka Sida iyo Geesiyaasha dadka degaanka ey maanta Khawaarijta ku jebiyeen weerar naf la caari ah oo ey isku dayeen iney ku qaadaan degaanka Ceel Cali Axmed. Geesiyaasha Ciidanka Qalabka sida iyo ciidanka Xaq u dirirka degaanka oo si wey u feejignaay ayaa jab xoogan gaarsiiyey cadawga Khawaarijta ALshabaab,waxa eyna ka hor istaageen isku daygoodii fashilmay. Ciidanka ayaa ku guuleystay iney laayaan maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta ALshabaab,waxaane hadda ku sugan gacantana ku haayo degaanka Ceel Cali Axmed iyo degaanadda ku dhaw Ciidanka Qalabka Sida iyo xoogaga dadka degaanka. Tan iyo todobaadkii inaga tegay kooxda Alshabaab waxa ey weeraro aan kala go’olahayn ka waday degaano ka tirsan Dawlad Goboleedka H/shabeelle gaar ahaan degaano hoostaga Gobolka Shabeeladda Dhexe kuwaaso kooxda Alshabaab laga xureeyey laba sano ka hor balse hadda ey kooxdu bilawday iney weerarto iyagoo eysan u suurtgelin iney si buuxda u qabsadaan hal degaan oo ka mid ah degaanadii ey soo weerareen.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

DOOD KULUL OO KA DHACAY GOLAHA SHACABKA

Next
Next

RABSHADO KA DHACAY XERADA QAXOOTIGA KAKUMA.