XILDHIBAAN C/RASHIID ABWAANKA OO EEDEYN CULUS U JEEDIYEY DENI.

(SAWIRKA)-XILDHIBAAN C/RASHIID ABWAANKA.

(SANAAG)-Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaanka) oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland horena u soo noqday Guddoomiyaha Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Siciid Deni inuu beeshiisa hoose u soo rarayo Gobolka Sanaag, si ay xoog ugu qaataan dhulka Reer Maakhir. Cabdirashiid Abwaanka oo xalay hadalkan ka jeediyay degaanka Damalla-xagarre ee gobolka sanaag ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uu diyaariyay 5-kun oo askari, kuwaasi oo uu ku qabsanayo dhulka Reer Maakhir, islamarkaana beeshiisa hoose xoog ku soo dejinayo Sanaag, si ay 100-sanno ee soo socda u qaataan dhulkaasi. “Deni wuxu diyaariyay 5-kun oo askari, isagoo ku marmarsoonaya ALSHABAAB/DAACISH ban ka xorayn Calmadow, si uu xoog ugu qabsado gobolka Sanaag, ka dibna soo raro reerkiisa oo soo dejiyo, si ay dhulkaasi qabiilkiisu u qaataan, 100-sano ka dibna la dhaho dhulkaasi Reer Sanaag baa lahaan jiray” ayuu yiri Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Hadalka Cabdirashiid Abwaanka ayaa imaanaya saacado ka dib markii Madaxweyne Deni ku eedeeyay Abwaan iyo kooxdiisa in ay soo dirsatay Villa Somalia, si ay u carqaladeeyaan hawlgalka ka dhanka ah Argagixisada Daacish ee Puntland dhawaan ka bilaabayso buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag. Dhinaca kale, Ciidamada Mareykanka ayaa xalay weerar xooggan ku miray bartilmaameedyo dhaca togga Baallade oo dhinaca Koonfur Bari ka xiga magaalada Boosaaso ee G/Bari DG Puntland, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin Horjooge sare iyo firxad ka tirsan mileeshiyaadkii Argagixisada Ururka Daacish. Duqeyn xoog badan ayaa fiidnimadii xalay laga maqlay bartamaha togga Baallade, halkaasi oo sidoo kale laga arkay holac gaduudan oo cirka isku shareeray, ka dib markii Hawlgalka Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM uu weerar dhinaca cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ay ku dhuumanayeen horjooge muhiim ah iyo mileeshiyaadkiisi. Ilo wareedyo amni oo warkan nala wadaagay ayaa rumaysan in mid ka mid ah bartilmaameedyada Mareykanku garaacay uu ku dhuumanayay Horjooge Cabdiraxmaan Faahiye oo hadda Hoggaamiya goosankii ka fiigay Daacish, balse weli Puntland iyo Mareykanka midna kama hadlin duqeyntii xalay. Xaaladda gobolka Sanaag ayaa si aad ah u qasan ka dib markii ey soo bexeen warar sheegaayo in DFS ey halkaasi u soo dirtay Ciidamadda Gaarka ah ee Haramcad,balse lama haayo wax cadeeyn ah oo muujinaayo in Ciidamadda Gaarka ah ee Haramcad ey halkaasi gaareen maalmihii la soo dhaafay. DG Puntland ayaa u arka G/Sanaag inuu yahay Gobol muhiim u ah jiritaanka DG Puntland waayo haddii G/Sanaag uu raaco lana midoobo G/Sool ee isaga hadda dhisanaayo DG SSCKHATUMO waxaa imaaneysa in Puntland ey weyso ilo dhaqaale oo aad weyn sida dhulka leh Mcaadinta naadirka ah ee ku jirta Buuraha Calmadaw ee uu MW-Deni isu diyaarinaayo inuu weeraro si uu u qabsado.

ISHA-PP.

Previous
Previous

WASIIR FARTAAG OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDO QARAMADA MIDOOBE.

Next
Next

JARMALKA: MAXKAMAD KA HORTIMID GO’AANKA DAWLADDA,SABABTA?