WASIIR FARTAAG OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDO QARAMADA MIDOOBE.
(SAWIRKA)-WASIIR FARTAAG.
(MUQDISHO)-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaaminayeen Ms. Nasrin Khan, Madaxa Kooxda Xeerka iyo Hay’adaha Amniga, iyo Ms. Leila Bouchebouba, Madaxa Qaybta Dib-u-habaynta Laamaha Amniga. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta nidaamka sharciga iyo dib-u-habaynta Hay’adaha amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasilooni ka hanaqaada guud ahaan dalka. Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey martida doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada dib-u-habaynta Laamaha Amniga iyo Horumarinta Hay’adaha Garsoorka, isagoo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac. Dhinaca kale, Ciidamada geesiyaasha ah ee Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano muhiim ah oo hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalka oo si xeel dheer loo abaabulay ayaa si gaar ah diiradda u saaray goobo sirdoonku soo sheegay in ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta, kuwaasoo ku howlanaa falal argagixiso oo lagu dhibaateynayay shacabka, gaar ahaan baadda iyo handadaadda lacageed ee lagu hayay bulshada deegaanka. Ciidamada Danab ayaa howlgalkaasi ku guuleystay in ay ka hortagaan qorshayaashii Khawaarijta, isla markaana gacanta ku dhigeen saanado ciidan oo ay cadowgu isticmaali jireen. Qalabkaasi waxaa ka mid ah rasaas, agab ciidan iyo qalab isgaarsiineed. Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwa sii socon doona ilaa laga cirib tiro kooxaha Khawaarijta ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalka ayaa lagu burburiyay afar doonyood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen iney isaga gudbaan deegaannada wabiga ku teedsan ee Shabeelooyinka, Si ay u gudbiyaan saanad, fuliyaanna falal amni darro iyo weerarro qarsoodi ah. Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu burburiyay goobo muhiim ah oo argagixisadu ku lahaayeen deegaankaas, kuwaasoo looga soo abaabuli jiray weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka, iyadoo sidoo kale la beegsaday meelo istaraatiiji ah oo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabbaad iyo kaydinta hubka.
ISHA-SNTV.