JARMALKA: MAXKAMAD KA HORTIMID GO’AANKA DAWLADDA,SABABTA?

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA REER AFGAANISTAAN.

(BERLIN)-Maxkamad Jarmal ah ayaa go'aamisay maanta oo talaadada ah in Qoys Afgaanistaan ​​ah oo hore loogu ballan qaaday fiisaha ay ku galayaan Jarmalka iyadoo la raacayo barnaamij loogu talagalay kuwa halista ugu jira taliska Taliban iney tahay in loo ogolaado inay u soo safraan waddanka. Maxkamadda maamulka ee Berlin ayaa sheegtay in qoyska la siiyay ballanqaad "sharci ah" oo meesha ka saaraya go'aankii xukuumadda uu Hoggaamiyo Muxaafidku ay horaantii sanadkan ku joojisay qorshaha. Xukunka waxaa rafcaan ka qaadan kara Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxay daba socotay rafcaan deg-deg ah oo ay dalbadeen haweeney iyo 13 xubnood oo qoyskeeda ka tirsan ey Fiisha dalka Jarmalka ku sugaayeen dalka Pakistan. Qoyskan ayaa sheegay inay Wajahayaan Masaafurinta Pakistan oo la geynayo Afgaanistaan halkaasoo ay naftoodu khatar kaga iman doonto Talibanka xagjirka ah ee Islaamiyiinta ah, taasoo ay Garsoorayaashu u arkeen in lagu kalsoonaan karo.

MAXKAMDU MAXAY TIRI?

Dawladdu waxay "Si sharci ah isu Xirsaaratay oggolaanshaha iyada oo loo marayo go'aamo oggolaansho oo kama-dambays ah, oo aan la burin," Garsoorayaashu ayaa yiraahdeen. "Jarmalka iskama xorayn karo ballan-qaadkan loo galay si ikhtiyaari ah," ayay raaciyeen. Waxa ay sidoo kale sheegeen in aysan jirin wax ka hor istaagaya bixinta fiisaha qoyska, maadaama dhammaan xubnahaasi la baaray, isla markaana la ogaaday in aysan wax dhibaato ah ku keenin.

BALLAN-QAADYADDA FIISAHA JARMALKA:

Ka dib markii Taliban ay ku soo laabatay xukunka 2021, Jarmalku wuxuu sameeyay habab kala duwan oo ogolaansho ah oo loogu talagalay Muwaadiniinta Afgaanistaan ​​​​waxaa loo tixgeliyey inay halis ugu jiraan kooxda Islaamiga ah, taasoo caan ku ah inay caburiso xorriyadda madaniga ah gaar ahaan, xuquuqda haweenka. Nidaamyada ogolaanshaha waa la kansal gareeyay iyadoo dowladda Jarmalka ee uu hoos yimaado Hogaamiyaha Muxaafidka Friedrich Merz ay si sii kordheysa uga tashanayso socdaalka guud ahaan. Xukunkooda, Garsoorayaashu waxay sheegeen in inkasta oo ballanqaadka ay samaysay dawladdu loo arki karo inuu yahay kii ugu dambeeyay, Berlin waxay xor u tahay inay go'aansato in la soo afjaro nidaamka gelitaanka Muwaadiniinta Afgaanistaan ​​​​ama ay qeexdo sida habkan loo sii wadi karo. Maxkamaddu waxay sheegtay in ku dhawaad ​​40 kiis oo la xiriira arrimahan oo kale iney jiraan, balse afhayeen u hadashay ayaa sheegtay in golayaasha kala duwan ay si gaar ah u go’aamiyaan mid kasta oo iyaga ka mid ah.

ISHA-DW.


Previous
Previous

XILDHIBAAN C/RASHIID ABWAANKA OO EEDEYN CULUS U JEEDIYEY DENI.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO MASAR OO KA WADA HADLAY AMNIGA IYO…