XILDHIBAAN C/RASHID JIBRIIL YAA RABA IN XILKA LAGA XAYUUBIYO?

(SAWIRKA)-EX-GUD.C/RASHIID JIBRIIL.

(GARAWE)-Mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa beeniyay wararka ku saabsan in mooshin xubin ka xayuubin laga wado guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, haddana ah xildhibaan ka mid ah Golaha, Cabdirashiid Yuuuuf Jibriil.

Xildhibaan Nasiib Muuse oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa been-abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Golaha laga saarayo, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ka dib markii uu ku biiray Siyaasiyiinta Mucaaradsan Xukuumadda Siciid Deni, islamarkaana taageersan in Gobolka Sanaag laga hirgeliyo maamul ka baxsan Puntland. Xildhibaan Nasiib oo su’aal lagu weydiiyay kulan dadweyne oo ka qabsoomay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in eysan jirin wax la xiriira xilka qaadista Guddoomiye hore Cabdirashiid oo loo soo gudbiyay Baarlamaanka” Warkaasi xilka qaadista Cabdirashiid ma ogin mana maqal, waxaan ka soo qaadaynaa war aan macquul ahayn oo aan jirin” ayuu yiri Nasiib Muuse. “Ma jirto annaga iney qorshaha noogu jirto in aan Cabdirashiid iyo cid kale oo xildhibaan ah xilka qaadis ku samayno. Waddanku dastuur buu lee yahay, qof aan dastuurka iyo jiritaanka Puntland caqabad ku ahayn, oo eysan soo eedeyn xeer ilaalin iyo Maxkamad cid ku xad-gudbi kartaa ma jirto” ayuu intaasi ku daray xildhibaan Nasiib Muuse.Axmed Cabdi Hurre

La-taliyaha Madaxweyne Deni u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dadweynaha Mudane Axmed Cabdi Hurre ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland iney fasiraad qaldan ka bixinayaan Hawlgalka Calmiskaad ee ka dhanka ah Argagixisada Daacish.

Axmed Hurre oo ey xidid(Seedi) yihiin Madaxweyne Deni, islamarkaana Qandaraas Mashaariic ka haysta Madaxtooyada Puntland ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaridsan dowladda iney hawlgalka Calmiskaad ku tilmaameen mid Macdan baaris ah si ey fasiraad qaldan uga bixiyaan dagaalka cirib-tirka Argagixisada. “Maanta iyadoo ciidamadii dagaal ku jiraan oo buuraha qarfada ah lugaynayaan in lagu jees jeeso oo la dhaho Macdan baa lagu baaranaya waa wax aad looga xishoodo. Wax la aqbali karo maaha Siyaaasiyiinta Reer Puntland ee fasiraadsa qaldan iyo dicaayadda ka faafinaya dagaalka Argagixisada ee wiilasheennu ku dhimanayaan kuna tilmaamaya ciidanka kuwa Macdan lagu guranayo” ayuu yiri Hurre.“Dalkan dowlad buu leeyahay waa la maalgelinayaa, mana aha in la yidhaahdo; gaajaa loo tahriibayaa, haddana la diido maalgashiga, in macdanta laga shaqeeyo waa horumar” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Cabdi Hurre isagoo difaacaya hawlaha Macdan qodista ee la sheegayo iney waddo Xukuumadda Madaxweyne Deni.

ISHA-PUNTLANDPOST.

Previous
Previous

GAADIIDLEYDA G/BANAADIR OO CABASHA KA AH AG.CUMAR AFREEY.

Next
Next

GOBOLKA BANADIR OO LOO MAGACABAY GUDOOMIYE.