GOBOLKA BANADIR OO LOO MAGACABAY GUDOOMIYE.
(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA CUSUB EE G/BANADIR.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan Aqoonta iyo Waayo-aragnimada shaqo ee uu u leeyahay Guddoomiye DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalads Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka Gobolka Banaadir. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo horumarinta caasimadda, dib u Heshiisiinta, Xoojinta Wadashaqeynta Laamaha Ammaanka iyo Bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada Aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan Hay’adaha Dowladda oo ey shaqo wadaagta yihiin iney si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir. Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane DR. XASSAN MAXAMED XUSEEN MUUNGAAB ayaa dhaqan galay, maanta oo ey taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 28-da May, 2025. Gudoomiye Muungaab ma aha markii ugu horeysay uu qabto xikaan waxa uuna xilkaan horay u soo qabtay inti u dhexeesay 27/2/2014 ilaa 26/10/2015-kii,Muungaab ayaa waqtigaas xilka kala wareegay Gudoomiyihii isaga ka horeeyey oo ahaa Maxamud Axmed Nuur Tarsan,waxaane Muungaab isagana xilkii kala wareegay Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale Madaale. Muungaab ayaa soo qabtay xilal kala duwan sida Maxkamada Ciidamadda Qalabka sida iyo inuu horay u soo noqday Wasiirul Dawlaha Cadaaladda inti u dhexeysa Agoosto 2016-kii ilaa 8/2/2017-kii. Muungaan waxqabadkiisa u galay taariikhda ayaa ah dhisida Saldhiga Booliska ee degmada Shibis ee G/Baaadir, Muungaab waxa uu isku day dil ka badbaaday taariikhdu markey ahayd 27/7/2014-kii,waxaane qarax miino lagula eegtay agagaarka Hoteel Lafa weyne.
ISHA-SNTV.