SHIRKA MUCAARADKA DFS OO MUQDISHO KA FURMAY.
(SAWIRKA)-SHIRKA MUCAARADKA DFS.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Hotel-ka Jazeera ee magaaladda Muqdisho uu maanta shir uga furmay Mucaaradka Dawladda Federaalka Soomaaliya. Shirkaan ayaa lagu weday inuu shalay oo Talaada ahayd inuu ka furmo Hoyga uu magaaladda ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Dawladdii ku meel gaar ahayd ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed,balse ma eysan dhicin ka dib markii qaar ka mid ah Mucaaradka ey ka biya diideen goobta Shirka Mucaaradka iney noqoto Hooy nin iyaga ka mid ah uu iska leeyahay eysana ahayn Goob shacabka Soomaaliyeed masiirkiisa looga hadli karo. Shirka maanta ka furmay Hotel Jazeera ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin horay xilal uga soo qabatay dalka Soomaaliya ey ka mid yihiin Gudoomiyeyaashii Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Maxamedc Mursal Sh.C/raxman, Shariif Xasan Sh.Aden, Reysal Wasaaeyaal hore sida Maxamed Xuseen Rooble,Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Faarax Shirdoon iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal,shirka ayaa Gudoonkiisa waxaa loo doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif, isaga ayaan furay shirka oo socon doono muddo dhan seddex maalmood waxa uuna ku eg yahay maalinta Jimca ah ee inagu soo aadan. Mw-Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirkaan looga arrinsanaayo laba qodob oo waa weyn kalana ah: (1)-Doorashada maxaa lagu geli karaa oo heshiis lagu wada yahay. (2)-Alshabaab iyo AL-Qaacidda sideen ula dirireeynaa dalkana uga xoreynaa, waxa uu intaas raaciyey iney jiraan arrimo kale oo iyagana mudan in shirka looga hadlo balse ma uusan xusi kuwa ey yihiin. Reysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ahaa masuuliyiinta shirka fadhiday ayey Warbaahinta Madaxa banaan waraysatay waxa uuna sheegay oo uu yiri”MW-Xasan Sheekh shalay isaga ayaa i saxaayey markii aan ahaa Reysal Wasaaraha, maantane Aniga ayaa isaga saxaayo” hadalkaan ayaa dhaliyey doodo fara badan iyo tuhun ah in RW-Rooble gacan saar la leeyahay MW-Xasan Sheekh. Shirka oo maanta bilaw ahaa ayaa waxaa ka hadlay dad fara badan ey ka mid yihin Xildhibaan Kooshin iyo Xildhibaan Xasan C/nuur oo laba Xildhibaan oo ka wada tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,Xildhibaanadaan ayaa lagu xusuustaa in magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya in lagu qabtay ka dib markii la rakay iyagoo ka soo baxaayo Safaaradda dalka Itoobiya ee Nayroobi caasiadda dalka Kenya. Shirka Mucaaradka DFS ayaa ah mid eysan qeyb ka ahayn Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah 75% dadka Soomaaliyeed iyo Haweenka,ka maqnaanshahooduna waa mid tilmaameyso in maamulka shir Mucaaradka yahay mid gacmo kale ey maamulayaan raga isu yimidne yihiin kuwa la hagaayo xurna eysan u ahayn Masiirka dalkooda. Dhinaca kale,Dawladda Isu taga Imaaraatka Carabta ayaa la sheegayaa iney ku guuleysatay iney heshiis hordhac ah dhex dhigto Madaxda Dawlad Goboleedyadda Jubaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaan iyo Siciid C/laah Deni,shirka lagu heshiisiinayey labada masuul ayaa ka dhacay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta maalmihii la soo dhaafay,lama yaqaan in labadaan masuul iney qeyb ka noqon doonaan shirka Mucaaradka ee Muqdisho iyo in kale waayo waxaa jira tuhun ah in Mucaaradka DFS ee maanta shirka u furmay iney gadaal ka taagan tahay Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta Madaxweynihii Hore ee Soomaalya Md.Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si cad isaga diiday inuu ka mid noqdo Mucaaradka Muqdisho shirka uga furmay maanta oo Arbaca ah,waxa uuna ka fikirayaa inuu noqdo awood gaar u jirta,shacbiyadiisa iyo faa’iidada ey leedahay aruursanaanta Siyaasadda. Maqnaanshaha Farmaajo ee shirkan waxa ey si weyn hoos ugu dhigeysaa saameynta shirka maanta furmay, waxa eyna culeyska Siyaasadeed si weyn uga yareyneysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud,waayo Farmajo ayaa ah Madxweynihii ugu dambeeyey dalka iyo Siyaasiga ugu shacbiyadda badan dalka,wax eyna ka badbaadineysaa Farmaajo inuu aqbalay Mashruuca ey gadaal ka taagan tahay Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta, waane mida uu ka faa’iidoon Farmaajo ka maqnaanshaha shirka maanta Muqdisho ka furmay. Farmaajo ayaa aad uga biya diidsan iney isku saf noqdaan dad aan isku aragti ahayn, in xoog wax lagu raadiyo iyo in hadafka guud ee Mucaaradnimadu uu noqdo “Ninka joogo ha baxo cidii rabtana ha qaadato kursiga”.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO OFFICE.