GAADIIDLEYDA G/BANAADIR OO CABASHA KA AH AG.CUMAR AFREEY.

(SAWIRKA)-CUMAR FAREEY.

(MUQDISHO)-Gaadiidleyda u safarta Goboladda dalka ee ka baxda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ey si adag uga hadleen lacag ey ku sheegeen iney ka qaadaan shaqsiyaas shacab ah oo huwan shaarka dawladeed. Kulan ey isugu yimaadeen magaaladda Muqdisho ayey Gaadiidleydu tilmaameen ineysan aqbali doonin intaan ka dib iney sii baadaan shaqsiyaad shacab ah oo ey la safan yihiin rag xiran shaatiga dawladda oo lacag aan sharci ahayn qaadaaya. Gaadiidleyda ayaa sheegay iney dhibaatooyin badan ey ku qabaan una baahan yihiin in arrinkaan la soo farageliyo iyagoo codkooda oo mid ah baaq ugu diray Xildhibaanada iyo Senitarada laga soo doorto H/shabeelle oo uu ugu horeeyo Senitar AL-Xaaji Muuse Suudi Yalaxaw. Gaadiidleyda ayaa carabka ku dhuftay iney dagaalami doonaan haddii lagu xujeeyo wax ka baxsan canshuurta dawladda. Rag ka mid ah Gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa cabasho aad ah ka muujiyey lacagta looga qaado halka loo yaqaano GALGALO,waxayna intaas raaciyeen in wixi Sabtida soo socdo ka dambeeya ey diyaar u yihiin iney dib u bilaabaan hawshooda safarka iyagoo aan diyaar u ahayn iney bixiyaan wax lacag ah oo lagu qaadaayo magaca Daladda ey gadaal ka taagan yihiin Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee dawladda Hoose ee Xamar Cumar Fareey iyo rag kale oo isaga la shaqeysto.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

CIIDANKA DFS IYO XOOGAGA HIIRAAN OO ALSHABAAB KA XUREEYEY ABOOREY.

Next
Next

XILDHIBAAN C/RASHID JIBRIIL YAA RABA IN XILKA LAGA XAYUUBIYO?