XAWAADLE OO TAAGEERO U RAADINAAYO MAWQIFKII SAMBALOOSHE.

(MUUQAALKA)-HADAL JEEDINTA XAWAADLE GARABKA SAMBALOOSHE.

(B/WEYNE-HIIRAAN)-Beesha Xawaadle ayaa gogol u dhigtay dhammaan beelaha, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ee gobolka Hiiraan, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed iyo jihada mustaqbalka gobolka Hiiraan. Gogoshan ayaa ka mid ahayd qodobadii lagu soo bandhigay warmurtiyeed ka soo baxay kulamo wadatashi ah oo maalmihii la soo dhaafay magaalada Beledweyne ay ku yeesheen Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee beesha Xawaadle. Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, amni iyo bulsho ee gobolka Hiiraan, gaar ahaan matalaadda bulshada iyo aayaheeda siyaasadeed. Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in beesha Xawaadle aysan aqbalayn doorashadii lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, iyadoo ku tilmaantay mid aan ku dhisnayn sharciyad, wadatashi iyo rabitaanka bulshada ay khusayso. Beesha ayaa ku adkaysatay in go'aannada masiiriga ah ee gobolka Hiiraan lagu gaaro hannaan loo dhan yahay, isla markaana aan masiirka gobolka laga go'aamin karin hal dhinac ama koox keliya. Warmurtiyeedka ayaa lagu shaaciyay in 15-ka November 2026 la qaban doono dibadbax nabadeed oo ka dhacaya gobolka Hiiraan, kaas oo lagu muujinayo taageerada mowqifka Ugaaska beesha Xawaadle iyo difaaca xuquuqda iyo masiirka gobolka. Beesha ayaa ugu baaqday dadka ka qaybgalaya dibadbaxa inay ilaaliyaan nabadda, kala dambaynta iyo hantida guud iyo tan gaarka ah. Sidoo kale, waxaa la bogaadiyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ka jawaabay baaqii ugaaska, iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda oo lagu ammaanay kaalinta ay ka qaataan ilaalinta amniga iyo badbaadada shacabka. Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay mas'uuliyiin heer gobol iyo degmo ah oo xilalkooda ka tanaasulay, si ay ula dareen noqdaan bulshada ay matalaan. Ugu dambayn, beesha ayaa baaq u dirtay ganacsatada, jaaliyadaha reer Hiiraan ee gudaha iyo dibadda, iyadoo ugu baaqday inay taageero dhaqaale iyo mid bulsho ku biiriyaan dadaallada socda.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

CIIDAMADA BURUNDI OO SOOMAALIYA ISAGA BAXAYA.

Next
Next

MW-KU-XIGEENKA H/SHABEELE OO SHEEGAY INUU SOCDO WADA….