MW-KU-XIGEENKA H/SHABEELE OO SHEEGAY INUU SOCDO WADA….

(MUUQAALKA)-C/FATAAX XASAN AFRAX.

(B/WEYNE-HIIRAAN)-Hoggaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa sheegay in wada-hadallo u socda hoggaanka maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Hiiraan ay rajo ka muujinayaan in xal laga gaaro tabashooyinka siyaasadeed ee muddada dheer ka jiray maamulkaas. Cabdifitaax oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in wada-hadallada uu la yeeshay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka ay diiradda saarayaan tabashooyin la xiriira awood-qaybsiga iyo matalaadda reer Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle. Wuxuu xusay in tabashooyinkaasi aysan ahayn kuwo cusub, balse ay soo jiitamayeen muddo ku dhow toban sano, isla markaana ay u baahan yihiin waqti, dadaal iyo wada-xaajood si xal waara looga gaaro. Hoggaamiye ku xigeenku wuxuu sheegay in kulamada ay yeesheen ay si wanaagsan u socdaan, isaga oo rajo ka muujiyay in labada dhinacba ay ka gaaraan natiijo wax ka beddeli karta xaaladda siyaasadeed ee gobolka. Cabdifitaaf ayaa ku adkeystay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal, isaga oo ka digay in loo leexdo waddooyinka rabshadaha iyo dhiigga keeni kara. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay muranka la xiriira qorshaha caasimadda Hirshabeelle loogu wareejinayo gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in mabda'a ah in caasimaddu timaaddo Hiiraan ay hore isugu raaceen dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle, balse ay dhiman tahay dhammaystirka arrintaas ee dhinaca sharciga. Wuxuu sheegay in hirgelinta qorshahaasi ay u baahan tahay in la dhammaystiro habraacyada sharciyeed ee ay leeyihiin hay'adaha dowladda, isaga oo meesha ka saaray in xaaladda amni ee gobolka ay tahay caqabad aan laga gudbi karin. Hoggaamiye ku xigeenka ayaa sidoo kale ka jawaabay doodda la xiriirta in magaalada Beledweyne aysan lahayn kaabayaashii looga baahnaa caasimad maamul goboleed, isagoo tusaale u soo qaatay magaalada Jowhar oo uu sheegay in markii hore ay iyaduna u baahnayd dhismaha xarumaha dowladda. Wuxuu sheegay in dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ay awoodaan inay ka hirgeliyaan Beledweyne xarumaha madaxtooyada, baarlamaanka, wasaaradaha iyo hay'adaha kale ee maamulka, haddii la helo qorshe iyo dhaqaale lagu fuliyo. Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa ugu baaqay bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka inay kala saaraan tabashooyinka jira iyo danaha gaarka ah, isaga oo sheegay in mudnaanta la siiyo dhismaha dowladnimada, horumarka iyo adeegyada bulshada.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

XAWAADLE OO TAAGEERO U RAADINAAYO MAWQIFKII SAMBALOOSHE.

Next
Next

DALKA FINLAND AYAA DIB U DHIGAY MASHAARIICDII UU SOOMAALIYA KA FULIN JIRAY.