CIIDAMADA BURUNDI OO SOOMAALIYA ISAGA BAXAYA.

(MUUQAALKA)-CCIDAMADA BURUNDI EE AUSSOM.

(AUSSOM/SOMALIA)-Dowladda Burundi ayaa lagu soo warramayaa inay dadajinayso qorshaha ay ciidamadeeda kaga saaraysaa Soomaaliya, ka hor inta uusan dhammaan muddada howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). Arrintan ayaa imanaysa xilli ay socdaan isbeddello la xiriira mustaqbalka ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya iyo qaabka loo maareynayo howlgalka amniga ee dalka. Ciidamada Burundi ayaa muddo dheer qayb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo taageerada amni ka bixinayay dalka tan iyo sannadkii 2007-dii, xilligaas oo ay ku biireen howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Mudadaas ayay ciidamada Burundi ka qayb qaateen dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, sugidda amniga xarumaha muhiimka ah iyo taageeridda ciidamada dowladda Soomaaliya. Warbixinta ay baahisay warbaahinta Africa Intelligence ayaa tilmaamaysa in ciidamada Burundi ay si weyn ugu tiirsan yihiin taageerada saadka ee Qaramada Midoobay, xitaa marka ay timaaddo hawsha adag ee ciidamadooda dib loogu celinayo dalkooda. Dadajinta bixitaanka ciidamada Burundi ayaa sidoo kale dhalinaysa su’aalo ku saabsan saameynta ay tallaabadani ku yeelan karto qorshaha amniga Soomaaliya, maadaama dalka uu weli wajahayo khatarta weerarrada Al-Shabaab, isla markaana ciidamada dowladda ay ku jiraan dadaallo lagu xoojinayo awooddooda iyo masuuliyadda ay kala wareegayaan ciidamada Midowga Afrika. Howlgalka AUSSOM ayaa ah wejiga cusub ee taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo beddelay howlgalka ATMIS, waxaana Mustaqbalkiisa saameyn ku yeelanaya arrimaha dhaqaalaha, taageerada caalamiga ah iyo heshiisyada ay dowladaha ciidamadu ka yimaadaan la leeyihiin Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya. Inkasta oo warbixinta Africa Intelligence ay muujinayso in Burundi ay ku degdegayso bixitaanka ciidamadeeda, haddana xogta la baahiyay ma faahfaahin tirada ciidamada la saarayo, jadwalka rasmiga ah ee daadgureyntooda ama sida loo buuxin doono booska ay ka tagayaan. Tallaabada Burundi waxay noqon kartaa mid saameyn ku yeelata qaab-dhismeedka howlgalka AUSSOM iyo dadaallada Soomaaliya ugu jirto inay si buuxda ula wareegto amniga dalka, waxaase weli furan su’aasha ah in bixitaanka ciidamada Burundi uu noqon doono mid si tartiib ah loo qorsheeyay, ama uu dedejin doono isbeddel ballaaran oo ku yimaadda joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

XIGASHO-GJ.

Next
Next

XAWAADLE OO TAAGEERO U RAADINAAYO MAWQIFKII SAMBALOOSHE.