XARUN CUSUB UU YEESHAY TALISKA HARAMCAD EE BOOLISKA SOOMAALIYEED.

(SAWIRKA)-SARAAKIIL SOOMAALI IYO TURKI AH.

(MUQDISHO)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda Xariga looga jaraayo Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad, ee loogu magac-daray Shahiid Jeneraal Farxaan Qaroole, taasoo dib-u-dayactir ballaaran lagu sameeyay. Xafladda waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, Saraakiil ka socotay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdixakiin Siciid Ceeldheer. Intii lagu guda jiray munaasabadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusmaan Diyaano, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, isagoo ku bogaadiyay dadaalka iyo is-xilqaanka uu ku hirgeliyay dib-u-dhiska xarunta, isla markaana ku ammaanay doorka uu ka qaadanayo horumarinta iyo tayeynta ciidamada. Dhanka kale, saraakiisha ka socday Safaaradda Turkiga ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Dhamme Cabdixakiin Siciid Ceeldheer, iyagoo ku tilmaamay hoggaamiye isbeddel muuqda kusoo kordhiyay Taliska Haramcad, kana dhigay xarun casri ah oo u qalanta ciidamada.

ISHA-SNTV.


Next
Next

WASIIR FIQI OO LA KULAY SAFIIRADDA SHIINAHA IYO INGIRIISKA.