WASIIR FIQI OO LA KULAY SAFIIRADDA SHIINAHA IYO INGIRIISKA.

(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO DANJIRE KING.

(MUQDISHO)-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ey Dowladda Boqortooyada Ingiriiska(UK) ku wareejinaysay gaadiid iyo qalab casri ah oo loogu talagalay ka hortagga Walxaha Qarxa ee la farsameeyo (C-IED), kaasoo la guddoonsiiyay Ururka Sancada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabadaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Qalabkaan iyo Gaadiidka ayaa waxaa gudoonsiiyay masuuliyintaan Safiirka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska(UK) ee Soomaaliya, Danjire Charles King. Wasiirka Gaashaandhigga XFS Md.Fiqi ayaa tilmaamay in qalabkan cusub uu ka tarjumayo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska(UK) ey la garab taagan tahay horumarinta awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo carabka ku adkeeyay in qalabkani si weyn u kordhin doono badqabka iyo hufnaanta howlgallada lagula dagaallamayo Argagixisada. Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska(UK) taageerada istiraatiijiga ah ee ey siiso Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu xaqiijinayo Nabad, Xasillooni iyo mustaqbal waara oo ey Soomaaliya ku tallaabsato. Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa looga wadahadlay iskaashiga labada dal iyo taageerada horumarinta awoodda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa bogaadiyay Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ey la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashigan uu u leeyahay xoojinta Nabadda iyo Amniga Soomaaliya iyo Gobolka.

ISHA-SNTV.



Previous
Previous

XARUN CUSUB UU YEESHAY TALISKA HARAMCAD EE BOOLISKA SOOMAALIYEED.

Next
Next

MUHAAJIRIINTII UGU BADNEED OO SOO GAARTA XEEBAHA TALYAANIGA.