MUHAAJIRIINTII UGU BADNEED OO SOO GAARTA XEEBAHA TALYAANIGA.
(SAWIRKA)-DOON SIDA MUHAAJIRIIN.
(ITALY)-Labo qof oo meyd ah ayaa laga soo dejiyay Jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga habeenimadii Isniinta. Intii u dhaxaysay Isniintii iyo Arbacadii, ku dhawaad 500 oo tahriibayaal ah lana socday toban Markab ayaa gaaray talyaanoga xeebihiisa, taasoo tirada dadka lagu soo dhaweeyay goobta kulul ka dhigaysa mid aan la arag dhawr bilood gudahood. Laba qofood oo mayd ah ayaa laga soo dejiyay Jasiiradda Lampedusa habeenimadii Isniinta iyo Talaadada (Sebtembar 8-9). Waxa ay la socdeen Markab dhererkiisu yahay siddeed mitir,waxaane saarnaay 44 Masaari, Eriteriyaan ah, Itoobiyaan, Gambian iyo ALjeeriyaan ah oo ey soo badbaadiyeen doman ey leeyihiin Ilaalada Maaliyadda Talyaaniga. Dadka doonida laga soo dejiyay waxaa ka mid ahaa 3-qofood oo la ildaran sunta kaarboon-carbon, kuwaasi oo isla markiiba loo qaaday goobaha caafimaadka si loogu daweeyo. Meydadka ayaa loo gudbiyay qeybta meydadka ee qabuuraha Cala Pisana, halkaasi oo baaritaan lagu sameyn doono. Labada tahriibe ayaa laga yaabaa iney u dhinteen sumowga kaarboon-carbon.
KU DHAWAAD 500 OO MUHAAJIRIIN AH AYAA KA SOO DEGAY 10-DOONYOOD TAN IYO 8-DII ILAA 9-KII BISHAAN:
Habeenimadii Isniinta iyo Talaadada, waxaa la badbaadiyay shan doonyood oo waa weyn oo ey saarnaayeen ku dhawaad 300 oo qof. Dadkaas waxaa ka mid ahaa muhaajiriin ka yimid Afgaanistaan, Bangaladesh, Masar, Eritrea, Itoobiya iyo Suudaan. Waxa jirtay hal ilmo oo dhawr bilood jira iyo naag ku jirta marxalad bilihii ugu horeeyey ee Uurkeeda. Tahriibayaasha ayaa sheegay iney ka soo Ambabaxeen magaalada Abu Kamash ee dalka Libya. Talaadadii, Markabka Ilaalada Maaliyadda Talyaaniga ee Avallone ayaa badbaadiyay doon kale taasoo dhererkeedu yahay shan mitir oo ey la socdeen 15-Muhajiriin una kala dhalatay Eriteriya, Suudaan,iyo Ivory Coast. Tahriibayaashan ayaa sheegay iney ka soo ambabaxeen magaalada EL Caqlah ee dalka Tunisia, waxaana ey sheegeen in midkiiba uu bixiyey lacag dhan 1,200 oo Yuuro. Laba ka mid ah ayaa loo qaaday xarun caafimaad oo ku taal Lampedusa, halkaasoo la dhigay cusbitaalka ka dib markii ey sumoobeen. 106 qof oo kale oo tahriibayaal ah ayaa Jasiiradda ku yimid laba doonyood oo waa weyn, kuwaasoo mid ka mid ah uu si toos ah u gaaray Cala Uccello. Waxaa saarnaa ilaa 69-Qof una kala dhashay Bangladesh, Masar, iyo Soomaali, oo ey ku jiraan saddex caruur ah. Waxaa lagu qabtay xeebta carabinieri waxayna sheegeen iney ka soo ambabaxeen magaaladda Xums ee dalka Liibiya. Markabka kale waxaa saarnaa 37-Qof una kala dhashay Afgaanistaan, Bangaladesh, Masar, Eriteriya iyo Pakistan, waxaane is hortaagay doon ey leeyihiin Booliska Maaliyadda. Arbacadii, inkasta oo ey cimiladu liidatay badda, laba doonyood oo kale ayaa dad laga soo dejiyey wadar ahaan 74-Qod oo tahriibayaal ah, oo ey ku jiraan ilmo Yar iyo Haweenay Uur leh: Dooni cinjir ah oo ey saarnaayeen 22 Eriteriyaan ah iyo doon weyn oo ey la socdeen 52 Masaari, Suudaani, Bangladeshi iyo Suuriyaan ah ayaa waxaa dhexda u galay ilaalada xeebaha iyo doomaha Booliska Maaliyadda.
IN KA BADAN 1,400 OO MUHAAJIRIIN AH AYAA KU SUGAN GOOBTA KULUL,EE UGU SAREYSA BILO GUDAHOOD:
Dhamaadkii usbuuca, 847 kale oo muhaajiriin ah ayaa Lampedusa ku yimid waxa eyna la socdeen15 Markab. Tirada tirada badan ee soo galaysay maalmihii la soo dhaafay ayaa tirada dadka lagu soo dhaweeyay ismaamulka Imbriacola ka dhigtay mid aad u sareysa oo aan bilooyin badan lagu arag xarumaha. U wareejinta Sicily ayaa hoos u dhacday xaaladaha cimilada oo xun awgeed. Subaxnimadii Arbacada, ka dib markii 300 oo qof lagu wareejiyay fiidnimadii Talaadada ee Porto Empedocle, waxaa weli goobta kulul ku sugan 1,420 muhaajiriin ah. Ma jirin wax wareejin ah oo loo maro doonta maalinta loo qorsheeyay. Si kastaba ha ahaatee, 180-Qof ayaa la qorsheeyay in loo duuliyo magaalada Bergamo ee ku taal dhul weynaha Talyaaniga.
XIGASHO-IM.