NINKII DILAY CHARLIE KIRK OO GACANTA LAGU SOO DHIGAY.
(SAWIRKA)-NINKII DILAKIRK.
(UTAH/USA)-Wararka laga helaayo Gobolka Utah ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in nin 22-sano jir ah kana soo jeeda Utah loo xiray dilka ninka u dhaq dhaqaaqa garabka midig ee Charlie Kirk, kaasoo lagu toogtay isagoo masrax ku jira munaasabad ka dheceysay Jaamicadda UTAH VALLEY horaantii todobaadkan. Tyler Robinson ayaa xabsiga la dhigay galinkii dambe ee Khamiista ka dib markii 33-saacadood la baadigoobayay taasi oo dhammaatay ka dib markii dilaaga aabihiis uu ka caawiyay inuu wiilkiisa ku qanciyo inuu isu dhiibo ciidamadda booliska. Xarigiisa waxaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump oo ku baaqay in tuhmanaha uu wajaho ciqaab dil ah. Dilka Kirk, oo la toogtay xilli uu arday la doodayay maalintii Arbacada, dilka Kirk ayaa argagax ku beeray dadka Mareykanka ah, waxaana uu banaanka soo dhigay kala qeybsanaanta Siyaasadeed ee dalkaas ka jirta. Shir jaraa'id oo ay qabteen Jimcihii, baarayaashu waxay sheegeen in tuhmanuhu uu qirtay aabbihii oo uu sheegay inuu door bidayo inuu naftiisa dilo intii uu is dhiibi lahaa. Aabihii ayaa markaa u yeeray wadaad(baadari) dhalinyaro ah oo ey saaxiibo qoys yihiin. Labada ninba waxay isku dayeen iney dejiyaan tuhmanaha, ayay booliisku sheegeen. Wadaadka, oo sidoo kale u shaqeeya sidii Sarkaal Amniga Maxkamadda, ayaa markii dambe wacay Marshals-ka Mareykanka oo xiray tuhmanaha abbaare 22:00(10-kii Habeenimo) xilliga maxalliga ah ee Khamiista. Gudoomiyaha Gobolka Utah Spencer Cox ayaa sheegay in sawirada ilaaladu ey muujinayaan in Robinson uu yimid Xarunta Jaamacada Utah Valley ilaa afar saac ka hor inta eysan xabadu dhicin, isagoo dilay Kirk una digaya arday si ey gabaad u galaan. Gudoomiyaha ayaa saxaafada u sheegay in markii xabsiga loo taxaabay uu xirnaa dhar la mid ah kuwa lagu arkay kaamirooyinka CCTV ee goobta lagu toogtay. Waxa uu intaa ku daray in baarayaashu ey wareysteen xubin qoyska ka mid ah oo sheegay in tuhmanuhu uu noqday mid Siyaasadeed sannadihii u dambeeyay. Cox waxa uu sheegay in xubinta qoysku uu ka hadlay dhacdo dhawaan dhacday markii Robinson uu sheegay in Kirk uu imanayo Utah iyo in uu "ay ka buuxo nacayb iyo faafin nacayb". Cox waxa uu sheegay in baarayaashu ey sidoo kale la hadleen qof ey wada degan yihiin tuhmanaha kaas oo tusiyay farriimaha akoon lagu magacaabo "Tyler" ee ku jira barnaamijka fariimaha ee Discord. Farriimaha ayaa tilmaamaya baahida loo qabo in laga soo saaro qoriga "dhibic dhibicda" iyo qoriga oo looga tagay meel duur ah, oo lagu duudduubay shukumaan. FBI-da ayaa sheegtay Khamiistii in ey heleen hubka looga shakisan inuu yahay Qoriga Mauser .30-06 bolt Action flex oo la soo dejiyay oo ku duuduuban tuwaal meel kayn ah oo u dhow Jaamacadda. Cox ayaa u sheegay warfidiyeenka in la helay qoraalo ey ku xardhan yihiin daasadaha laga soo helay qoriga, kuwaasoo cabirkoodu ku dheggan yahay. Qoraalladaas waxaa ka mid ahaa "Haye Faashiistaha! Qabso!" iyo "O Bella ciao, Bella ciao" Bella ciao macneheedu waa "Nabadgelyo qurux" af Talyaani. Sidoo kale waa magaca heesta loogu talagalay iska caabintii Talyaaniga ee la dagaalantay ciidamadii gumeysiga ee Nazi-ga Jarmalka. Gudoomiyaha Gobolka Utah ayaa sheegay in aanu ka warqabin in dad kale lagu soo xiri karo baaritaanka.
Dacwad oogayaasha Gobolka Utah ayaa sheegay in ey qorsheynayeen in ey dacwad rasmi ah ka gudbiyaan Robinson Talaadada. Waxaa lagu eedeeyay dil daran, carqaladeyn cadaalada, iyo siideynta dambiga ah ee hubka, sida laga soo xigtay xaashi diiwaan gelinta maxaabiista ee degmada Utah, oo ey heshay BBC. Ardayda wax ka barata Jaamacadda Utah Valley ayaa BBC-da u sheegay in ey ku faraxsan yihiin xariga loo geystay. Xarunta Jaamacadda ayaa xiran tan iyo markii uu toogashada dhacay galabnimadii Arbacada – iyadoo lagu dhejiyay cajalad booliis ah oo jaale ah iyo baabuurta booliiska oo xiray inta badan iskuulka. "Waxaa laga soo qabtay degmada Washington, oo ah meesha aan ka imid," ayuu yiri ardaygii fasalka koowaad ee McKinley Shinkle. "Kaliya waxaan dareemayaa xishood qoto dheer." "Xaqiiqdii waan ka nastay," ayuu raaciyay McKinley ina-adeerkii Anthony. "Kaliya waxaan ka walaacsanahay hadda inaan maqlo ujeedadiisa iyo sababta ey tani u dhacday." Diiwaanada dadwaynaha oo ey dib u eegtay BBC waxay soo jeedinayaan in Robinson uu wakhti hore u diiwaan gashanaa codbixiye aan xiriir la lahayn, ama aan xisbi ahayn, gudaha Utah. Matthew Carl Robinson, oo ah aabaha tuhmanaha iyo Amber Denise Robinson, oo ah hooyada tuhmanaha, ayaa ka diiwaan gashan Jamhuuriga, marka loo eego diiwaannada gobolka. Diiwaanka codbixinta ayaa tilmaamaya in uusan codeyn labadii doorasho ee ugu dambeysay ee Madaxtinimo, sida uu sheegay CBS News, oo ah saaxiibka BBC-da ee Mareykanka. Da' ma ahayn inuu codeeyo 2020. Tuhmanuhu wuxuu ku nool yahay St George, Utah, oo u dhow Beerta Qaranka ee Sion, oo qiyaastii 250 mayl (400km) Koonfur-galbeed ka xigta xerada Kirk lagu toogtay. Waa arday sannadka saddexaad ah oo ku jira barnaamijka tababarka korantada ee Dixie Technical College ee Koonfurta-galbeed ee Utah, halkaas oo uu ku noolaa, afhayeen u hadlay Jaamacadda Utah Valley (UVU) ayaa u sheegay BBC. Xisaabaadka warbaahinta bulshada ayaa tilmaamaya in aabbihii Robinson uu leeyahay meherad lagu rakibo miiska-jikada, halka hooyadiina ey tahay shaqaale bulsho. Qoysku waa Mormon oo firfircoon kaniisadda maxalliga ah.
ISHA-