KALFADHIGA 7-AAD EE BJFS OO FURMAAYO SABTIDA 20-KA BISHA SEBTEMBAR.

(SAWIRKA)-GUD ADEN MADOOBE.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudoonka labada Aqalk ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu sheegay in kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal uu furmi doono maalinta Sabtida ah oo ku beegan 20-ka bisha Sebtembar-2025-ka. War Saxaafadeed kasoo baxay Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa u qornaay Sidan:” Gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulamo wada tashi ah ka yeeshay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee BJFS ayaa go’aamiyey in kalfadhiga 7-aad uu furmi doono Sabtida 20/sebtembar-2025-ka. Hadaba Xildhibaanadda iyo Senitarada Baarlamaanka JFS waxaa lagu waegelinayaa iney soo xaroodaan”. Sida aan la socono dhammaadkii kalfadhigii lixaad ee BJFS kuma soo dhammaan qweji qurux badan waxaane ka dhacay waxyaabo aad u fool xun ey ka mid tahay u gacan qaadii lagu sameeyey sarkaal ka tirsan hayadaha amniga ee BJFS iyo buuqii joogtada ahaa ee fadhi walba ka dhici jiray Golaha Shacabka,balse hadda oo arrintu sidii hore ey ka sii xun tahay eyna jiraan Xildhibaano Mucaarad ku ah wax ka bedelka Dastuurka KMG ah lana rabo in Golaha Shacabka la horkeeno Cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka kuwaaso isbedel lagu soo sameeyey,Maxaa dhici kara ayaa la is leeyahay? Mase furi doonaa taariikhdaas loo qabtay? KALA SOCO HALKAAN.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

MW-Dr.XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY XARUN CUSUB OO SIRDOON.

Next
Next

NINKII DILAY CHARLIE KIRK OO GACANTA LAGU SOO DHIGAY.