MW-Dr.XASAN SHEEKH OO DAAH FURAY XARUN CUSUB OO SIRDOON.

(SAWIRKA)-MW XASAN OO GAARAY G/DHIGA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo loo dhisay qaab casri ah, si loo xoojiyo awoodda Difaaca iyo Sugidda Amniga Qaranka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku tilmaamay Xaruntaan cusub astaan muujinaysa dadaallada dowladdu ku bixisay dhismaha Hay’adaha Difaaca, isagoo xusay in Tiknoolojiyadda lagu qalabeeyay ey si weyn u caawin doonto hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah, isagoo tilmaamay in horumar kasta oo la gaaro uu astaan u yahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo Geesinimada Ciidamadooda. Intaas ka dib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ku dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ey Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga Shacbiga ah ey ka soo hooyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan Gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaasoo ciidanku jab xooggan ku gaarsiiyeen Argagixisada Alshabaab.

ISHA-SNTV,


Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA MID NOQOTAY WADAMADA LAGA CIRIBTIRAAYO…

Next
Next

KALFADHIGA 7-AAD EE BJFS OO FURMAAYO SABTIDA 20-KA BISHA SEBTEMBAR.